Daawo Muqaal…Reer Yurub oo la yaaban Turkiga & qaabka ay Injineeradoodu wax u dhisaan oo la ogaaday (Bal Daawo Mucjisadaan+Warbixin) !!

Halkaan ka Daawo Injineerada Turkiga ah  qaabka ay wax u dhisayaan Caalamka soo jiitay.

Caalamka oo idil waxaa isa soo taraya awooda cusub oo ay la soo baxeen injineero u dhashay dalka Turkiga oo dhanka dhismaha iyo farsamada bada dhexdeeda ah gacan loogu taagay kuwaas oo wadamo badan oo Dunida ku yaala ka soo dhisay buundooyin ay adag tahay in laga dhex dhiso Bada dhexdeeda ama goobaha ay biyaha maraan.

Maalmo yar ka hor Injineero Turki ah ayaa mid ka mid ah Isbitaalada ugu casrisan geeska Africa waxeey ka soo dhiseen dalka Somalia gaar ahaan magaalada muqdisho kaas oo ah (Digfeer Hospital). Injineerada Turkiga oo caalamka aad looga jeclaaday waxaa la ogaaday in marka hore ay farsamo ahaan dhismooyinka ku sameeyaan qaab Kumbiyiitar ah dabadeedna si dhab ah ayay u shaqo galaan.

Wadamada Jarmalka , Shiinaha , Ruushka , Japan iyo Mareeykanka ayaa dhanka dhismaha buundooyinka Caalamka aad ugu wanaagsanaa balse hada inta badan dalalka lacagta leh ee reer Yurub waxaa dhiso Injineero Turki ah oo horay u soo dhisay buudooyinka ugu quruxda badan Caalamka ee laga dhex dhiso badda gudaheeda kuwaas oo ku yaala magaalo xeebeedka Izmir iyo Istanbul oo labaduba ka tirsan dalka Turkiga .