Daawo Muuqaal : Diyaarad Itoobiya Laga Leeyahay Oo La Afduubay

Daawo Muuqaal : Diyaarad Itoobiya Laga Leeyahay Oo La Afduubay

140217071648_ethiopia_plane_512x288_reuters

Feb 17,2014 Borama(SM)-Diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo ka duushay magaalada Addis Aababa kuna socotay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu qasbay inay ku degto magaalada Geneva ee dalka Switserland kaddib marki la afduubay.
Boliiska Switzerland ayaa xaqiijiyay afduubka diyaaraddan oo ay leedhay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya.

Mid ka mid ah dadkii wax afduubay ayaa lagu warramayaa in la xiray.
Dadkii saaranaa diyaaradda

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegtay inay nabad qabaan dhamaan dadkii saarnaa diyaaraddaas.
Waxaa haatan xiran gegida diyaaradaha Geneva ee ay diyaaraddu ku degtay.
Diyaaraddu waxaa saarnaa ugu yaraan 200 oo ruux, shirkadda diyaaradahana waxay sheegaysaa in caafimaadkoodu uu wada fiican yahay.
Wargayska Tribue de Geneva ayaa sheegay in diyaaradda la afduubay markay dul maraysay hawada dalka Sudan.
Ilaa haatan lama garanayo sababta diyaaradda loo afduubay, lakin warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in mid ka mid daka wax afduubay uu yahay qof magangelyo doon ah

Salaanmedia/Hargaysa