Daawo Sawirada Madaxweynaha Puntland Oo Ciidan Amaankiisa Suga Wata Ayaa Kala Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho

Feb 6, 2014 Muqdisho(SM)– Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta duhurkii ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si uu maalinta berri uga qeyb galo aaska qaran ee loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen. C/wali Gaas ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Diyaarada sida Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa la socday ciidamo si gaar ah ammaankiisa u sugayay, kuwaasoo ku hubeysnaa qoryo fudud, iyadoo arrintan ay layaab ku noqotay madaxdii soo dhoweyneysay. C/wali Gaas oo la filayay inuu ugu horeyn diyaarada ka soo dego ayaa waxaa diyaarada si raxan raxan uga soo degay Ciidamo hubeysnaa, intii Madaxweynaha ay sugayeen marka uu soo dego inay gacan qaadaan. Dhoolatuska ciidan ee C/wali Gaas ka sameeyay garoonka aadan cadde Muqdisho ayaa ka dhigtay in aanu u baahan ciidamo suga ammaankiisa, maadaama ciidan fara badan ay la socdeen. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan, iyadoo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari uu isna xafiiskiisa ku qaabilay. Maalinta berri ayaa la filayaa in Madaxda dowladda iyo madaxda maamulada gobolada dalka ay ka qeyb galaan aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo laga soo dejin doono meydkiisa garoonka diyaaradaha Muqdisho. CIMG7751CIMG7754CIMG7755CIMG7756CIMG7757CIMG7758CIMG7763CIMG7764CIMG7765CIMG7766 Salaanmedia/ Muqdisho