Daawo Sawirada Raysal Wasaarihii Hore Ee Somaliya C/risaaq Xaaji Xuseen Oo Muqdisho Loogu Sameeyay Aas Heer Qaran Ah

Daawo Sawirada Raysal Wasaarihii Hore Ee Somaliya C/risaaq Xaaji Xuseen Oo Muqdisho Loogu Sameeyay Aas Heer Qaran Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay aaskii qaran ee loo sameeyey Ra’iisul Wasaarihii hore Marxuum Cabdirisaq Xaaji Xuseen oo maanta lagu aasay Muqdisho.

Feb 7, 2014 Muqdisho(SM) – Waxaa maanta aas qaran magaalada Muqdisho loogu sameeyay raysal wasaarihii hore ee somaliya Marxuum Cabdirisaaq xaaji xuseen. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay aaskii qaran ee loo sameeyey Ra’iisul Wasaarihii hore Marxuum Cabdirisaq Xaaji Xuseen oo maanta lagu aasay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa hoggaaminayey mas’uuliyiin kuwaas oo meydkii ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Mas’uuliyiintaas oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Hoggaamiyaha Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), Wasiiro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin hore.

Madaxweynaha ayaa yidhi “Maanta waxaan EEBBE u baryeynaa mid ka mid ah geesiyaasheena. Cabdirisaq Xaaji Xuseen waxuu ahaa nin aad noogu weyn oo waddani ah. Waxuuna tusaale u yahay Soomaalida oo dhan una baahan in lagu daydo si aan dalka dib ugu dhisno. Haddii ay jirto cashar aan ka baran karno waxaa noqoneysa sida uu ugu dadaali jirey midnimada ummadda Soomaaliyeed. Waxaan shaki iiga jirin haddii aan gacmaha is wada qabsano inaan wax badan oo guulo ah aan gaari karno. Waana inaan midownaa oo aan ka gudubnaa sanooyin badan oo khilaaf ah.”
Madaxweynaha oo ka hadlayey guulihii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa sheegay:

“Cabdirisaaq waxuu ahaa shaqsi u istaagay cirib tirka musuqmaasuqa, maamul wanaag iyo inuu u adeego shacabka Soomaaliyeed, tanoo noo wada aheyd mid aan tusaale ka dhigan karno oo aan ku dayankarno dadaalkii uu sameeyey. Waana inaan ku wada xasuusanaaoo uu tusaale noo wada noqdaa. Bacdamaa uu geeriyooday, laakin taariikhdiisii fiicneyd wey nala joogtaa oo ma hilmaameyno.“
Masaajidka Isbaheysiga baa salaadii Janaasida lagu dukaday, oo ka dib meydka lagu aasay Ceel Cirfiid oo lagu ag aasay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Adan Cabdulle Cismaan.

Salaanmedia/Mogdisho