Daawo Sawiro…Shirkii gogol-xaadhka ee Baliga Oog, degmada Oog

Shirkii gogol-dhaarka Baliga Oog ee degmada Oog Halkaan waxaad ka daawaneysaan waayeelka iyo waxgaradka beelweynta Cali Bare ee gobolada Sool, Sanaag , Saraar Togdheer, iyo gobolka Buuhoodle, oo warbixin ka dhagaysanaysa ergeyda beelweynta Cali Bare ee dibada iyo gudaha soomaliland ka kala timid oo soo gabagabeysey shirkii gogol xaadhka ahaa ee ka dhacay magaalada Hargaisa ee Somaliland.

Shirkaasi waxa uu ahaa wada tashi iyo gogol xaadh loo diyaarineyey shirka aad guuxiisa maqasheen ee dhawaan kadhici doona baliga Oog ee degmada Oog ee gobolka Saraar. kaasoo ay isugu imaan doonaan dhamaan beelweynta Cali Bare ee gudaha iyo dibada.

Gudida qabanqaabadaMadashashirka Hadii aad tahay siyaasi hore oo jirey ama mid cusbub oo hada soo baxaya labadaba waxqabadkaaga isha ayaa lagu hayaa hadaadan wax qaban oo aad maanta wax rabtid soo gudbi waxii hore oo aad qabatey intaadan wax kale u hanqal taagin . Ka shaqee isku duubnida beesha ha lagula shaqeeyee karaamadaadu waxay ku jirtaa midnimada beesha waxaad halkaan ka weydey meelkale ka heli maysid Beesha Cali Bare waa beel magac ahaan aad looga yaqaan wadanka somaliland isomalia iyo daafaha caalamkaba . waxaana kadhashay oo ka soo jeeda rag mujaahidiin, siyaasiyiin iyo aqoonyahano caan ah taariikhdheer ku lah jamuuriyada somaliland, waxaana lafilayaa shirkan in ay ka soo baxaa qodobo muhiim ah ku dayasho mudan oo siwanaagsan u muujinaya ilbaxnimada beeshan lagu yaqaanay dhaxalgalna u noqonkara hagaajinta mustaqbalka guud ahaan umada Somaliland

Muj Maxamuud J Yasiin