Daawo Sawiro… Shirwaynihii laanta xisbiga WADDANI ee South-West Norway oo ka qabsoomay magaalada STAVANGER, NORWAY

1

3

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa in magaalda Stavanger ee dalka Norway uu ka qabsoomay maalintii Axadii ee bishu ahayd 23.02.2014 shirwaynihii laanta xisbiga WADDANI ee South-West Norway oo si heersare ah loo soo agaasimay.

 

Waxaa shirwaynaha ka soo qayb galay ergooyin ka kala socday gobolada iyo degmooyinka ka tirsan gobolada South-West Norway. kuwaas oo iskugu jiray  odayaasha magaalada Stavanger, aqoonyahano, dhalinyaro iyo garabka haweenka.

 

Ugu horayntii wuxuu hogaanka laantu ka akhriyeen goobta warbixin kooban oo ka hadlaysa sida Xisbiga waddani ugu taagan yahay badbaadada iyo baanashada qarankan 23-jirsaday ee ku taamaya inuu ka mid noqdo bulsho-weynta caalamka, helana aqoonsi buuxa iyo madaxbanaani taamma.

Waxaa halkaa gabay aad u qiimo badan ka akhriyer Eng. Cumar Ali Abdi oo ka mid ah odayaasha magaalada Stavanger. Gabaygu wuxuu u dhignaa sidan:

 

Wadnihii qarankeeniyo
Waraabshaa xididkiisiyo
Waa horseed waddankeenoo
Waddani waa xisbigeenoo
walaaleeyena weeyoo
waddankuu qaran waara’oo
Wacan uu la rabaaye
Wehel aan u  ahaanoo
Xubin aan ku wafayno

Wanaag qaar ku sifoobayoo
Werdi aan ku naqaanoo
Wixii uu balan qaadiyo
Wacadka aan burinaynbaa
Wadayaal ka ahaadayoo
Werwerna kaa gelimaayo’e
Wehel aan u  ahaanoo
Xubin aan ku wafayno

Wadadii sax ahayd iyo
Waddankuu sharcigiisa
Nagu Weecinanayaaye
Wehel aan u  ahaanoo
Xubin aan ku wafayno

Waxaa kheyr waddankeena
Waafi eebe ku deeqaybuu
Waaxyaha maamulidoona
Xeer ku waajahayaaye
Wehel aan u  ahaanoo
Xubin aan ku wafayno

Wax la,aan ubadkeena
Waleecaadka tahriibta
Wed ka doortay naftooduu
Wadiiq uu ku badbaadiyo
Wanaag loo furayaaye
Wehel aan u  ahaanoo
Xubin aan ku wafayno

 

Waxaa kaloo hogaanka laantu dhamaantood ka dhawaajiyeen sida loogu baahan yahay in loo diyaar-garoobo Jid dheer oo qodxo badan si loogu guulaysto himilada iyo qorshayaasha Xisbiga Waddani hiigsanayo oo uu ku doonayo inuu Dalka iyo Dadka wax ugu qabto, una horseedo guulo taariikhda ku xardhama isla markaana xaqiijiyo:

 

Qaran madax-banaan oo sharaf iyo karaamo ku naalooda, shacbigiisuna xor ka yahay jahli, faqri iyo qabyaalad kala qoqobta.

Qaran ku dhisan nidaam dimoqraadi ah (talo-wadaag) oo waafaqsan diinta Islaamka, dhaqanka iyo hidaha aynu leenahay.

Qaran midaysan oo ku dhisan wadaniyad, sinaan iyo cadaalad.

 

Waxaa shirwaynahaa lagu ansixiyey xeerhoosaadka Laanta, waxaana lagu doortay hogaanka cusub ee laanta xisbiga WADDANI ee South-West Norway, hogaankaas oo qaabdhismeedkiisu yahay sedan:

 

Gudoomiye: Rakeem Hatinoor

Gudoomiye ku xigeen: Abdillaahi Mead

Xoghaye & khasnaji: Mukhtar Omar Nur

Gudoomiyaha garabka haweenka: Selwa Idiris Yaxye

Xubin hogaanka ka mid: waiting
Shirwaynihii laanta xisbiga WADDANI ee South-West Norway wuxuu ku dhamaaday isafgarad iyo GUUL u soo hoyatay xisbiga Waddani iyo dhamaan shacabka Somaliland.
 
Allaah Mahadleh
Eng. Mukhtar Omar Nur
Xubin, Gudida Deegaanka Dabiiciga ah iyo Tamarta