Daawo Sawiro…XAFLADDII XISBIGA WADDANI EE DAAHFURKA LAANTIISA CALGARY EE DALKAN CANADA .

XAFLADDII XISBIGA WADDANI EE DAAHFURKA LAANTIISA CALGARY EE DALKAN CANADA .

Waxa dhawaan taariikdu markay ahayd Febuary/08/2014 ku qabsoontay magaalada Calgary xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah furayey laanta Calgary Alberta ee XISBIGA WADDANI waxaana  ka soo qeyb galay madax kala duwan oo ka tirsan XISBIGA WADDANI ,isla markaana  ka kala socday gobollada kala duwan ee dalkan Canada gaar ahaan gobolkan Alberta sida Calgary,Edmonton, iyo Red Deer.

Xafladdan oo lagu soo bandhigay barnaamijyo kala geddisan oo isugu jiray , khudbado  ,Suugaan, kala duwan iyo heeso waddani ah .

Ugu dambayntii waxa lagu soo gunaanaday xafladdan damaashaad , dhammaan dadweynihii ka soo qeyb galay xafladdu waxay ballan qaadeen inay hiil iyo hooba ay la garab taagnaan doonaan xisbiga waddani si uu ugu guulaysto himiladiisa ah hoggaaminta dalka ee doorashooyinka soo socda.

XIDHIIDHIYAHA GUUD EE XISBIGA WADDANI

Mohamed Ahmed Ali

XAFIISKA XISBIGA WADDANI

LAANTIISA  ALBERTA , CANADA

109 8 7 6 5 4 3 2