DAAWO SAWIRO…XISBIGA WADDANI UK OO LAAN CUSUB KA FURTAY BARIGA MAGAALADA LONDON.

IMG_4557

XISBIGA WADDANI UK OO LAAN CUSUB KA FURTAY BARIGA MAGAALADA LONDON.

Xisbiga Waddani UK oo ku gudojira horumarinta iyo balaadhinta laamaha xisbiga ayaa xafiis cusub ka furtay Bariga magaalada London ee cariga Ingriiska. Xafladii furitaanka xafiiskan oo si balaadhan looga soo shaqeeyey ayaa waxa kaalimo muhiim ah ka geystay furitaankeedii iyo abaabulkeediiba Laanta Koonfur Bari (SE) London oon u kala hadhin, iyo xubno firfircoon oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga ee Bariga London.

Xaflada furitaanka xafiiskan oo taageerayaal aad u badani ka soo qayb galeen, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Waddani UK, Mudane Ahmed Ali Nahi iyo Xubno ka tirsan maamulka sare ee UK.
Xubno badan oo goobtan ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaaladahan cusub ee wadankeenii ka soo siyaaday iyo sida loogu baahan yahay in sharciga la ilaaliyo, waxaa kaloo laga dhawaajiyey sida loogu baahan yahay in laamaha xisbigu gaadhaan Magaalo walba iyo Tuulo walba oo wadankan ka mid ah oo ay joogaan taageerayaasha Xisbigu, gudiga laantan cusub ee Bariga Londona “East London”, waxaa IIlaahay looga baryey inuu hawlahooda u fududeeyo.

Xafladan oo si heer-sare ah iyo jawi farxadeed ku soo dhamaatay, ayuu xisbiga Waddani UK ka soo saaray dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen:
1) In xukuumadu sida ugu dhakhsiyaha badan faraha ugala baxdo Golaha Baarlamaanka S/land oo aan wax khilaaf ahi u dhaxayn si ay u gutaan hawlaha balaadhan ee ay wadanka u hayaan.
2) In xukuumadu joojiso Dilka iyo Xidh-xidhida shacabka aan waxba galabsan.
3) In xukuumadu Culayska, Cunaqabataynta iyo Cabudhinta ka deyso Saxaafada madaxa banaan.
4) Waxaa xukuumada loogu baaqay inay ka shaqayso sidii doorashadu xiligeeda ugu dhici lahayd, ugana hortagto wax kasta oo dibudhac iyo xasilooni daro ku keeni kara.

Wa-bilaahi Towfiq

Afhayeenka Xisbiga UK
Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com

IMG_4504 IMG_4517 IMG_4520 IMG_4521 IMG_4524 IMG_4528 IMG_4539 IMG_4552 IMG_4557 IMG_4568 IMG_4569 IMG_4571 IMG_4572 IMG_4573 IMG_4581 IMG_4582 IMG_4583 IMG_4585