DAAWO SAWIRRADA: Natiijada Dhex-dhexaadin Ay Ergo Is Xil-qaantay Ugu Kala Dab-qaaday Garabyada Is-haya Ee Golaha Wakiillada

Feb 14, 2014 Hargeysa(SM) – Ergada ay magacyadoodu xagga hoose ku qoran yihiin,ee aqoonyahanka oo isku xilqaantay dhexdhexaadinta khilaafka golaha wakiilada ayaa maanta si rasmi ah ula kulmay guddoomiyaha golaha wakiilada ee jamhuuriyadda Somaliland mudane cabdiraxmaan Mxamed Cabdilaahi (ciro), guddidii golaha wakiilada ee dhexdhexxadinta khilaafkan,isu xilqaantay iyo guddida joogtada ahaa ee golaha guurtida ee uu hogaaminayay xaaji  Cabdi Xuseen (C.waraabe),uuna ka mid ahaayeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mudane Cabdiraxmaan awcali iyo weliba gudoomiyhii hore ee golaha wakiilada mudane Axmed Cabdi Xaabsade,iyaga oo ay guddigo dhammana xubnihii ay la kulmeen ay u qaybiyeen,soo dhoweyn ballaadhanna ergadan aqoonyahanada ahi,ay kala kulmeen dhinacyadaas,kadibna ay qoraalkii ay soo diyaariyeen ee 4ta bog ahaa,labada gudoomiye ku xigeen oo ay saaka golaha wakiilada gudhiisa muddo saacado ah ku sugayeen,balse aanay nasiib xumo  la kulmin,waxay qoraalkii ay wadeen ugu dhiibeen kaaliyayaasha xoghayaha guud ee golaha wakiilada,si ay u gaadhsiiyaan.   .

Gudoomiyaha golaha oo isaguna hortood ka baxay xafiiskiisa,ay nasiib wanaag markii ay muddo taleefoono u dirayeen ay heleen,wuuna ka aqbalay inay goobta uu joogo ay ugu tagaan,markay u tageen ergaduna si diiran ayuu  usoo noosoo dhoweeyay,kadiban qoraalkaas 4ta bog ahaa oo ka hadlayay,arrimo badan oo yagleelka nidaamka dowladeed ee cimriga dheer yeelan kara iyo mushkiladaha burburiya dowladaha dalalka soo koraya iyo weliba qodobadii ay ku dhexdhexaadinayeen khilaafka golaha ayaaanu gacanta ka gelinayiyada oo ay 3 xubnood oo kala ahaa Cali Dool Axmed,Dr Xassan Cumar Xagaa iyo Axmed Maxamed Suldaan cabdiraxmaan, hadalka ergada jeedinayay ay guddoomiyaha si qoto dheer ugala hadleen,taariikhdii Somaliland ee wada hadalka iyo is afrgaradka ku dhammaan jirtay,faa,iidooyinka ay leedahay, isku soo dhowaanshaha iyo isku taansulka maamul, nidaam toosinta iyo gufaynta galdaloolooyinka dastuurka iyo xeerarka dowladda ku jira,ilaalinta wada shaqaynta waaxaha dowlada. Wuuna uga mahad ay uga mahad celiyay gudoomiyuhu ergeyntooda iyo sida wanaaagsan ee ergada aqoonyahanku ugu foojigan yihiin ilaalinta qaranimada jam. Somaliland iyo gufeynta goldoloolooyinkeeda,iyo ka digtoonaantooda ficilkasta iyo siyaasadkasta oo burbur ku keeni karta qaranimadeena.wuxuuna isla goobtii ka sheegay inuu aqbalay,dhammaan 3adii qodob ee gunaanadka u ahaa qoraalkii dhexdhexaadinta golaha ee ay soo diyaarieen(xagga hoose ka akhriya magacyadii ergada iyo qodobadii uu gudoomiye Cirro aqbala

Markii ay ka guddoomeen aqbalkii qodoabdii ay xalka u arkayeen,ayay aad ugu mahad celiyeen,waxayna ku hambalyeeyeen,adigu inaad wanaag doonaysid waad muuujisay waxaanina eegeynaa,bal waxa ay labadii gudoomiye xigeen noogusoo jawaabaan, ergayntiina waan sii wadaynaa intaas kadibna shirjraaid ii kooban oo aanu kaga hadlaynay,natiijadii aanu gudoomiyaha golaka wakiilada kalasoo kulnaya ayaanu Hotle Lake Asal ku qabanay.(ka daawo kalsan TV).ergo-2-1024x453

 

(Soo koobid qoraalkii ergada)

Halkan hoose ka akhri qodobadii ay ergada aqoonyahanku u gudbiyeen dhinacyadii kala duwanaa ee uu Cirro aqbalayay

Farriinta Bulshada Somaliland iyo Ergada  Aqoonyahanka ee Isu xilqaantay Dhexdhaadinta Khilaafka Golaha Wakiilada

Mabaadiida Guud  ee ay Bulshada Somaliland Leedahay  iyo Himilooyinka ay   Higsanayso

Salaam xurmeyn xambaarsan kadib,mudanayaal dhammaantiin waxaad fahamtaan in muwaadiniinta reer Somaliland,ee ay matalayaan ergadan aqoonyahanada ahi,ay kasoo horjeedaan,khilaafkasta,xilgudasho la,aankasrta,khiyaamo kasta,hagardaamokasta oo masuul qaran uu ula yimaaddo dadka iyo dalka jamhuuriyadda Somaliland,arimahaasoo dib u dhac keenaa,dhinaca kale waxay diidan yhiin,sharcikasta,ama xeerkasta oo caqabad ku noqon kara,geeddi socodkii bulshada ee jihada horumarka ku waajahnaa,waxayna dagaal khadhaadh ku qaadayaan, barnaamijkasta oo siyaasadeed, oo gaadhista Himilooyinka waa weyn ee u hadhsan bulshada dalka jamhuuriyadda Somaliland higsanayso caqabad ku noqon kara

Ilaalinta Himilooyinka waaweyn ee ay Ummadda Somaliland Gaadhay

•       Umadda Somaliland waxay gaadhay Xorriyad Buuxda,waanay laashanaysaa,

•       Umadda Somaliland waxay Gaadhay Yagleelista Nidaam Dowladeed,waanay ilaashanaysaa,

•       Umadda Somaliland waxa kale oo ay gaadhay nabadgelyo buuxda,waanay ilaashanaysaa, Himilooyinka u Hadhsan ee ay Higsanayso iyo Dariiqa ay ku Gaadhi karro

•       Inay bulshadu yeelato dhaqan caddaaladeed, shaki la,aana  ay hesho  garsoor si Caddalaad ah, muwaadiniinta u kula xukumaya (to obtain Overall of Justice Culture and attain equal rights under the law )

•       Inuu dalka Somaliland Gaadho Xasillooni Siyaasadeed oo buuxda (to attain  a Political stability in  full scale)

•       Inay horumar ka gaadhaan dhinaca aqoonta (to obtain higher education with Social Reforms)

•       Ugu dambeyntana inay Gaadhaan Horumar  Nololeed oo Dhinackasta ah (ultimately to attain higher levels standard of life)

Gunaanad

Ergada aqoonyahanada ahi waxay gudoomiyaha wakiilada iyo labada gudoomiye ku xigeen iyo dhammaan xubnaha golaha wakiiladaba soo jeediyeen,qodobadan dhexdhexaadinta ah oo uu gudoomiye ciro aqbalay.

1)      In dhammaan mooshinaddii golaha la hor keenay iyo kuwii kusoo foolahaaba la wada joojiyo,

2)      In  la hor keeno mooshin cusub,kaasoo sheegaya,in maamuus ka xayuubintii labada gudoomiye ku xigeen laga dhigaya 55 cod.

3)      Ergadu waxay si adag u diidan tahay,inay waaxda xukuumaddu faragelin ku sameyso howlaha waaxda sharcidejinta,

4)      Waxa kale oo ay ergadu kasoo horjeeddaa, in kursiga gudoomiyaha wakiilada maamuus ka xayuubintiisa 42 Cod Laga Dhigayo,qodobkaasoo meesha ka saaraya,isdheelitirkii dhinaca awoodaha ee waaxaha baarlamaanka iyo xukuumadda,iyo weliba sababihii golaha wakiilada loogu yagleelay shirkii Borame ee 1993dii ee sharci ku ilaalinta waaxda xukuumadda ahaydba,islamarkaana inuu qaranka Somaliland cimri dheer yeesho caqabad ku noqon doonto kadibna laga dhaxli doono kelitalisnimo,khilaafaad,colaado sokeeye  iyo ugu dambeynta qaran burbur.

Magacyada Ergada Aqoonyahanada ah

1.      Cali Dool Axmed Taariikhyahan ahna afhayeenka ergada

2.      Xassan Cumar Xaggaa,

3.      Aadan Suldaan Cabdiraxmaan-garyaqaan

4.      Maxamed Axmed Suldaan

5.      Naasir Axmed Cabdi Odawaa

6.      Maxamed Aadan Dubbe(Gacayte)

7.      Farxaan M.Jmaamac
Ergo-Aqoonyahan-U-Badan

Comments are closed