Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa Habeenkii xalay Dagaal Culus oo la isku adeegsaday hubka Nuucyadiisa kala duwan ka dhacay Xaafada SOS ee Degmada Hiliwaa kaa oo u dhaxeeyay Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab iyo Ciidanka Dowlada.

alshabab344
Dagaalka ayaa qarxay xili dadka badankii ay hurdeen waxa uuna ka dhashay weerar ay rag hubeesan oo katirsan AL-Shabaab ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowlada ku lahaayeen Degmada Hiliwaa.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka xalay Degmada Hiliwaa ee Muqdisho ku dhax maray Dagaalyahanad Hubeesan ee Xarakada Al-Shabaab iyo Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Dowlada ayaana saaka wada baadhitaano ay ku baadi goobayaan ragii hubeesnaa ee weerarka Culus kusoo qaaday , Dhalinayro laga shakisan yahay ayaa lasoo warinayaa in Ciidanka Dowlada gacanta ku dhigeen.

Degmada Hiliwaa waxaa inta badan ka dhaca Weeraro ay dagaalyahanada AL-Shabaab ku qaadaan fariisimaha Ciidanka Dowlada ee Degmadaasi , Maalin kahor ayey aheed markii ciidanka Dowlada howlgalo ay Degmadaasi kasameeyeen ku xir xireen boqolaal Dhalinayro ah ay kaga shakiyeen in xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Salaanmedia/Mogdisho