Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Danaynayso Inuu Somaliland Ka Hano Qaado Horumar Loo Wada Simanyahay

Picture93Feb 06,2014 Hargeysa(SM)-Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay ka go’antahay horumarinta degenaanshaha iyo barwaaqada Somaliland, waxaanay cadaysay inuu Ingiriisku danaynayo inuu Somaliland ka hano qaado horumar loo simanyahay.

Doodii aqalka odayaasha Ingiriiska ee 4 Febarwari oo ah Salaasadii doraad, ayaa xildhibaan Lord Chidgey oo ka tirsan aqalkaasi wuxuu wasiirad ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska iyo barwaaqo sooranka Baroness Warsi, uu weydiiyay taageerada uu Ingiriisku siiyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo Maaliyadda. Wasiirada, ayaa ku jawaabtay “Dawladda Ingiriiska waxa ka go’an horumarka degenaanshaha iyo barwaaqada Somaliland iyo gobalka oo dhan.”

Iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi “Sanduuqa Somaliland Fund oo ay dawladda Ingiriisku taageertaa, wuxuu caawinayaa dedaalkan si loo horumariyo in adeegyadan dadweynaha ee muhiimka ah dadka loo gaadhsiiyo hanaan isla xisaabtan iyo hufnaan ku dhisan kaas oo lagu xoojinayo maamul maaliyadeed iyo dib u habayn balaadhan oo lagu sameeyo adeega dadweynaha. Maamulka Somaliland wuxuu hadda dhigay qorshe uu ku horumarinayo maamulkiisa maaliyadeed kuna kordhinayo daah-furnaanta miisaaniyadiisa. Dawladda Ingiriisku waxay sidoo kale taageeraysaa horumarka adeegyada gaarka loo leeyahay iyo qorshaynta barnaamijiyo cusub si maamulka Somaliland loogu
suurtogeliyo inuu mustaqbalka fog kordhiyo dakhli abuurkiisa.”

Baroness Warsi, waxay sheegtay inuu Ingiriisku Somaliland ka caawinayo xoojinta iska caabinta weerarada argagixiso, “Dawladda Ingiriisku sidoo kale waxay maamulka Somaliland kala shaqaynaysaa sidii loo tayayn lahaa awoodiisa ka hortagga argagixisada iyo tabashooyinka ka jira waajibaadka xuquuqda aadamaha iyo sharciga iyo in la xoojiyo amniga hawada iyo xuduudaha. Somaliland weeraro argagixiso oo waaweyni kamay dhicin tan iyo sannadkii 2008.” Sidaas ayay tidhi wasiiradu.

Waxay wasiiradu sheegtay inuu Ingiriisku daynanayo inuu Somaliland ka dhaco horumar loo simanyahay, “La shaqayntayada Somaliland, waxaanu si joogto ah hoosta uga xariiqnay muhiimada uu Ingiriisku siinayo horumar loo simanyahay inuu ka hano qaado Somaliland oo dhan iyada oo la sii marinayo sanduuqa horumarinta Somaliland.”
Ugu dambayn waxay wasiiradani sheegtay inuu Ingiriisku dhiirigelinayo wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya maadaama oo uu ahaa wadankii u horeeyay ee wada hadalada fududeeyay,

“Dawladda Ingiriisku waxay si joogto ah u dhiirigelinlaysaa una taageeraysaa wada hadalka dhex maraya Somaliland iyo Somaliya iyadoo bishii June ee 2012 martigelisay wejigii koowaad ee wada hadal fool ka fool ah ay isugu yimaadaan tan iyo markii lagu dhawaaqay madaxbanaanida Smaliland. Waxaanu soo soo dhawaynaa oo aanu taageeraynaa wada hadalada labada dhinac u socda ee uu Turkigu fududeeyay.” Ayay tidhi wasiiradu.

Salaanmedia/Hargaysa