DEG DEG: Taliska Amisom oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah raggii soo weeraray Madaxtooyada

image

Taliska Midowga Afrika ee Amisom, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah raggii hubeysnaa, ee maanta xoogga ku galay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika Col. Cali Aadan Xumad, ayaa waxa uu xaqiijiyay in tiro ka badan 10 nin ay soo weerartay Madaxtooyada, isla-markaana ay qaarkood nolosha ku qabteen, sida uu yiri.

Afhayeenka, ayaa sheegay in uu weerarkaasi fashilmay, ka gadaal markii uu tibaaxay in ay ka daba taggeen, raggii soo qaaday weerarka abaabulan ee ka dhanka ah Aqalka looga arrimiyo dalka.

Cali Aadan Xumad oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu sheegay in ay qaboojiyeen xaaladii cakirneyd ee ka taagneyd Xeendaabka Dhismaha Villa Somalia.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in weerarkaan uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo uusan kala cadayn tirada ku dhimatay iyo inta kale ee ku dhaawacantay.

Dhanka kale Sarkaalkaan, ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay in ay dhibaato la maaganaayeen dadka Soomaaliyeed, laakiin ay la gafeen sida uu hadalka u dhigay.

Col. Xumad, ayaa si adag u sheegay in ay balanqaadeen in sanadkaan ay nabadeeyaan dalka Soomaaliya, cagtana la mariyo kuwa xasiloonida u diidan dadka Somaliyeed.

Salaanmedia/Mogdisho