Deg Deg: Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Degaanka Laascaanood Ee Somaliland Oo Isku Soo Dhiibay Puntland + SAWIRO

Feb 3, 2014 Laascaanood(SM) – Xubno ka tirsan Golaha deegaanka magaalada Laascaanood ee Dowlada Somaliland ayaa iskusoo dhiibay Maamula Puntland, waxaana soo dhoweeyay masuuliyin ka tirsan Xukuumadda Puntland.

Labo kamid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka ayaa maanta soo gaadhay magaalada Garoowe, waxaana lagu kala magacaaba Mukhtaar Mahad Cawad iyo Cabdullaahi Digaale Cali.

Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Soocade iyo Wasiirka Kaluumeysiga Abdinuur Biindhe ee Dowladda Puntland ayaa xubnahaan uga hortegay tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Soocade ayaa warbaahinta u sheegay in aysan noqon doonin markii u dambeysay xubno ka tirsan Somalialnd iskusoo dhiibaan Puntland. Soo celinta magaalada  Laascaanood ayuu sheegay in aysan marnaba meesha ka bixi doonin.

Xubnahaan is soo dhiibay oo Saxaafadda kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in ay ku yimaadeen codka shacabka ah, waxayna ku eedeeyeen mamulka Somaliland in aysan cadaalad ka jirin oo aan wax loo qaban dadka reer Sool.

‘’Waxaan ku nimid codka shacabkayaga, Shacabka ayaa nasoo doortay. Marka is sharaxeynay waxaa nalagu doortay in aan bulshada wax u qabano, Somaliland cadaalad kama jirto. Halkan waxaan u nimi in aan wax ugu qabano bulshadeena iyo degaanka’’, ayuu yiri mid kamid ah xubnaha soo goostay.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas ayaa hore u sheegay in Xukuumaddiisa ay ka shaqeyn doonto soo celinta gobolada ka maqan oo ay haystaan maamulka Somaliland.Xildhibaano (1)Xildhibaano (2)Xildhibaano (3)Xildhibaano (4)Xildhibaano (5)Xildhibaano (6)