Dhacdo layaab leh oo maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho

image

Dhacdadaan, ayaa waxay maanta ka dhacday Xaafadda Say Biyaano ee Degmada Hodan, Mogdisho, kadib markii nin uu ku dilay walaalkii, kuna dhaawacay seddex ruux oo middi ay haweeney tahay, adeerna u ahaa.

Ninka falkaan geystay oo lagu magacaabo Xasan Shiikheey, ayaa waxa uu dilay walaalkii oo ka da’ weynaa, laguna magacaabi jiray Cismaan Shiikheey, iyadoo uu dilkiisa u adeegsaday bistoolado, oo uu ku hubeysnaa.

Rasaastii lagu dilay Cismaan Shiikheey, ayaa waxaa ku soo baxday gabar uu dhalay, waxayna adeerkeed weydiisatay waxa uu ku dilay aabaheyd (Isaga walaalkii).

Gacan ku dhiiglaha, ayaa rasaas ugu jawaabay gabadhii uu adeerka u ahaa, isagoo rasaas kaga dhuftay qaybaha hoose ee jirkeeda.

Sidoo kale ninkaan, ayaa rasaas oodda kaga qaaday laba nin oo kale, oo middi uu la dhashay, halka midka kalana la sheegay in uu abtigii dhalay, dhamaantooduna waxay ku wada sugnaayeen guriga ku yaala Xaafadda Say Biyaano, ee ay dhacdadu ka dhacday.

Labada nin ee dib uu ka dhaawacay gacan ku dhiiglaha, ayaa la sheegay in ay qolalka kaga soo baxeen, rasaastii uu Xasan Shiikheey ku dilay walaalkii, kuna dhaawacay gabadhii uu adeerka ugu aadanaa.

Ciidanka Nabad Suggida iyo Booliska oo gaaray goobta ay dhacdadu ka dhacday, ayaa waxay ku fashilmeen in ay gacanta ku soo dhigaan dambiilaha.

Dhacdadaan oo dhacday barqanimadii maanta, ayaa soo shaac baxday galabnimadaan, iyadoo ay durbaba aad u hadalhayaan dadka maqlaaya.

Salaanmedia/Mogdisho