DHAGEYSO Madaxweyne Xasan “Weerarkii maanta nagama leexinayo in aan Shabaab dalka ka ciribtirno”

DHAGEYSO  Madaxweyne Xasan “Weerarkii maanta nagama leexinayo in aan Shabaab dalka ka ciribtirno”

IMG_0394

 

 

 

 

 

 

Feb 21, 2014 Muqdisho(SM) –

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadley arrimo la xariira dhacdadii maanta maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen iney kusoo weeraraan xarunta Villa Soomaaliya, weerarkaasi oo ay fashiliyeen ciidamada amniga dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo qorshayaasha dowladda ee ka dhanka ah Al-shabaab uusan hakad geli doonin.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ugu horeyn tacsi u direy dadkii maanta ku geeriyoodey weerarka isagoo weerarkaasi ku tilmamey mid fuleynimo ah oo muujinaaya inay wiiqantay awooddii kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab kuna soo uruurtay weeraro dhuumaleysi ah kaliya iney geestaan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday Waalidiinta Soomaaliyeed in ay ilmahooda kala soo baxaan maleeshiyada gabalkooda sii dhacaya ee Shabaab, ayna ka faa’iideystaan fursadda ay u hayso dowladda Soomaaliya, lana siin doono mustaqbal wanaagsan.

“Walaalayaal wiilashiina kala soo baxa Shabaab, waayo mustaqbalkooda ayaa ku lumaya, ee haka faa’iideysteen fursadda ay dowladda siineyso” ayuu yiri Madaxweynaha

Salaanmedia/Muqdisho