Diiwaangelinta Dadwaynaha & Taariikhda Ay Soo Martay Somaliland….

Diiwaangelinta Dadwaynaha & Taariikhda Ay Soo Martay Somaliland Tan Iyo Wakhtigii Ingriiska Uu Ka Talinayay

burdiJan 31,2014 Hargaysa(Cadceed) -Waxa muhiim ah in aan dib u jaleecno taariikhdii ay Somaliland soo martay ee ku saabsanaa arimaha diiwaangelinta dadwaynaha oo aan marnaba lagu guulaysan in la helo diiwaan gelin sax ah oo shaqaysa marka laga soo bilaabo wakhtigii Ingiriiska, dawladihii kala danbeeyay ee Somaliya soo maray & tan Somaliland ee imika jirtaba.

Hadaba maqaalkaygan waxa aan kaga hadli doonaa maanta taariikhaha ay diiwaan gelintu soo martay mudooyinkaa aan kor ku soo sheegay, aniga oo u kala saari doona si faahfaahsan oo ah sidan:

1.       Diiwaangelinaha laga qabtay Somaliland maanta ilaa wakhtigii Ingiriiska.

2.       ama dawladihii ka danbeeyey oo dhan.

3.       Caqabadaha ka hor yimiday diiwaan gelinahaasi ee sobobay in mid kaliyii ay u shaqayn waydo si sax ah.

4.       Sidii loo maamulay & agabka loo isticmaalay qabashadooda

5.       Fahanka bulshada Somaliland ee diiwangelinta iyo cardka dhalashada.

6.       Dawladihii iyo bulshooyinkii caalamka ee ka qayb qaatay diiwaan gelinahaasi iyo ujeedooyinkii ay ka lahaayeen in ay gacan ka gaystaan.

7.       Cida fashilka ku keentay diiwan gelinahaasi inta badan wadanka laga qabtay, haday noqon lahayd qabiilo, siyaasiyiin, shakhsiyaad iyo dhamaan cid kasta oo ku lug lahayd.

8.       Iyo dhamaan wixii kale muhiim u ah in aan taariikhda dib ugu noqono.

 

Hadaba aniga oo mawduuceenan maanta ku bilaabi doona taariikhdaa hore oo kooban oo ka hadlaysa wakhtiyadii la bilaabay waa sidan, laga soo bilaabo markii gumaystaha Ingiriisku ka talinayay dhulkii la odhan jiray Somaliland protectorate waxa uu Ingiriisku isku dayay in uu diiwangeliyo bulshada ku noolayd dhulka Somaliland, isaga oo uga dan lahaa in la helo tirada dadka dhulkaa ku nool oo sax ah, si loo ogaado wax walba oo ay dadkaasi u baahan yihiin, loogana jawaabi karo baahiyaha bulshadaasi ee xaga waxbarashada, biyaha,caafimaadka iyo nolosha dadka  deeganka miyiga iyo magaaladaba ayaa waxa dawladii Ingiriiku ay bilowday in ay diiwaan gelin u samayso dadka reer Somaliland intii aanay xornimada siinin ka hor.

Diiwangelintii koobaad ayay bilaabeen iyada oo lagu bilaabay qaabkii ugu fiicnaa ee diiwan gelin loo samayn karayay wakhtigaasi oo casri ahaa, waxa ay usheegen bulshadii ku noolayd Somaliland in loo diyaar garoobo in la is diiwaangeliyo, lana raaco talaabooyinka ay soo sheegeen oo ahaa markaaasi in uu qofku uu qaato kaadka diiwaan gelinta oo ay ku qoran tahay magaciisa, halka uu ku dhashay, dadiisa iyo deegaanka uu ka soo jeedo, markii hawshii la bilaabay ayaa waxa dhacday in si khaldan bulshadii ay u fahanto diiwaangelintii oo qabiilaysan, kadib markii niman afmishaaro ah oo qabaailada utalin jiray ay si qabiilaysan uga soo horjeesteen fikirkii saxda ahaa ee loogu talo galay dadku in ay u isticmaalaan diiwaan gelinta, balse taa bedelkeeda ay dadkii ugu dhiigeen in qabiiladu ay ku tartamayaan arin diiwaangelin oo reeraha qaar ay doonayaan in ay ka bataan reer hebel sidaa daraadeedna ay gunta dhiisha iska dhigaan si aan reerba reerka kale uga badan.

Sidaas ayay dadkiina aad u qaateen oo ay aqbaleen tiina waxa ay keentay in reer walba aabahay goblan uu ku galo diiwaangelinta oo uu iska ilaawo nidaamkii saxda ahaa ee umada anfacaysay.

Wakhtigii dawladii Maxamed Siyaad bare waxa la sameeyey laba jeer diiwangelinta maca census dadwayne oo laga sameeyey guud ahaan wadankii la isku odhan jiray somaliya oo dhan, laakin iyadana sidii taa hore loogu fashilmay oo kale ayaa fashil uga dhacay, kadib markii beelihii somalida ahaa ay qolaba qolada kale ay usheegatay in ay ka badan tahay, markii intaasi dhacday kadib waxa ay dhaxal siisay dadkii iyo dawladiiba in la isku raaci waayo dhinac la yidhaahdo tan ayaa sax, sobobtoo ah madaxda laftooda ayaa marwalba huwanayd shaadh qabiil oo markasta ka dhex eegayay danta qabiilkooda oo iska ilaawayay danta qaranka.

Inta badan sidii loo maamulay qabashada diiwangelinahaasi waxa ay ahaayeen kuwa la majara habaabiyay oo ay si khaldan u isticmaaleen.

Marka loo soo noqdo diwaan galintii la sameeyey inta ay jirtay Somaliland oo ah laba jeer oo ay labadiiba ay fashilmeen iyaga oo maraya dariiqyadii ay mareen kuwii ka horeeyey markaad eegto diiwangelintii hada ugu danbaysay oo kale, taasi oo masuuliyadeeda ay lee dahay xukumada hada joogtaa oo markii ay doorashadii ay ku guulaysatay dhacday mudo gaaban gudohood ku baabiisay in diwaan galintaasi ay mid khaldan ahaydna qirtay iyaga oo aan si mugleh uga fikirin cawaaqib xumada ay keenayso iyo dadkan aan ictiraafka haysan ee hadana masayrkoodii laga dhigay doorashooyin aan lahayn wax guula ah oo muuqda laakiin leh maantana doorashaa jirta iyo diwaan galin dhaqaalihii kaga dhamaanaayo iyo aabahay goblan reer hebel ayaa inaga badan ma jirto daraasad macquula oo la samaynaayo maxaa faaiido ama khasaare inoogu jira diwaan galin inta aan galno aan midhaheega la isticmaalayn laakiin la doonaayo oo kaliya in waxoogaa dhaqaalo ah uun laga helo.

Taasi waxa ay keentay in diiwangelintii hore khalkhasho oo six un ay u dhacdo, isla markaana ay adkaato sida loo sixi karo maadaama ay deeq bixiyayaashu ay ka niyad jabaan wixii ay lacagta badan ku bixiyeen sida uu noqday, iyo in aanay macquul ahayn in mid kale laga gaadhsiin karo si loo saxo oo lacag badani ku baxayso hadana.

Marka la isku soo wada duubo waxaas oo caqabad ah ee ku xeeran diiwan gelintii u danbaysay ee Somaliland ka dhacday waxa maasuuliyadeeda iska lahaa dawlada maanta joogta, oo iyadu wakhtigaasi hore utafa xaydatay qaab qabiil in ay waxwalba ku maamusho oo ay iska ilawdo shuruucdii qaranka u yaalay ee lagu hagayay diiwangelinta iyo bulshadeena oo ah kuwo u nugul kaliya tartanka qabiilka ayna ku yar tahay wadaniyada iyo danta guud ilaalinteed waa hal qarni iyo saayid waxa ay bulshadeenu samaysan kari laadaay sharci diiwaan galineed oo sax ah laakiin ay beenta qabiilka isku maaweelinayaan allaw u gar gaar dalkayga.

Hadaba inaga oo u daadagi doona gabo gabada maqaalkeenan hadii aan wax yar qeexno sobobaha ay socon laadahay diiwangelintu waxa aan iswaydiinaynaa maxaa Somaliland caqabad kaga dhigay diiwangelinta?

Waxaa cad in ay jirto laba caqabadood oo ah dalkan markii ictiraafkii ka raagay in lagu maaweelinaayo doorasho ayaan galaynaa iyo markana nala arka diiwaan galintii horaa xumaatay ee aan tan danbe ka faaiidaysano iyo qodobka kale oo ah hayado ku shaqaysta in ay deeqbixiyayaasha kaga soo qaataan contoraado ay lacag ku cunayaan maadaama aanay jirin cid la xisaabtantaa oo kolba fikirkooda uun ladaba socdo aanay jirin wax lays waydiinayaa waan  hayska daba furnaato diwaan galinteenu inta ay imanayso cid ka run sheegta waxan la garan laaya  xag ay ka socota xaalkeenuna noqday adhi daasad kama ilbaxo iyo Habar dhali wayday aleelo ku waalatay. waxaanan ka war sugi doonaa tani maanta hadan abilaabantay.

 

Wabilaahi tawfiiq

Ahmednuri Mohamed