Dowladda Germany oo ciidamo usoo direysa Soomaaliya

image

Dowladda Germany ayaa wado qorshe ku aadan in dalka Soomaaliya ay usoo dirto ciidamo kamid noqonaya kuwa tababarka Midowga Yurub ay siiyaan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ursula von der Leyen oo ah Wasiirka Difaaca dalk Germany, ayaa sheegtay in ciidamadooda ay noqon doonaan kuwa kulug yeesha arimaha Africa, waxaana ay dhanka kale sheegtay in waliba ay ka qeyb qaadan doonaan tababarka iyo horumarinta ciidanka Soomaaliya.

Tiro ciidamo aan la cadeynin ayaa la sheegay inay ku biirayaan howlgalka Midowga Yurub ee dhanka Miletariga ee Soomaaliya, kaasi oo ah mid tababaro lagu siinayo ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Difaaca dalka Germany, ayaa warbaahinta uxaqiijiyay wararka ku aadan in ciidamo ka socda Dowladda Germany la geynayo gudaha dalka Soomaaliya, laakiin taasi ay ka horeyso in Baarlamaanka dalkaasi ay ansixiyaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Germany Soomaaliya usoo direyso ay yihiin saraakiil ka qeyb qaadanaya tababarka ciidamada, balse aysan aheyn ciidan sida kuwa Amisom oo kale gudaha dalka howlgalo Milateri ka fulinaya.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2010, howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxaa ka faa’iideystay ku dhawaad 3,600 oo askar Soomaaliyeed ah, waxaana lagu qabanayay dalka Uganda, iyadoo ay ugu wacneyd xaalada siyaasadeed iyo midda amaan ee Soomaaliya.

Tababarada Midowga Yurub uu siiyo ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hada loosoo wareejiyay gudaha dalka Soomaaliya oo ciidamada lagu tababaraa.

Salaanmedia/Mogdisho