Dowladda Ingiriiska UK oo weerarkii Madaxtooyada Soomaaliya lagu qaaday ku tilmaamtay mid hoos udhigaysa rajada shacabka Soomaaliyeed

image
Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii shalay Al-Shabaab ay ka geysteen xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dileen rag ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Xogyaha arimaha dibada Dowladda Ingiriiska William Hague war uu soo saaray, ayaa ugu horeyn waxaa loogu tacsiyadeeyay Dowladda federaalka Soomaaliya, dadkii halkaasi kaga geeriyooday.

Mr Hague, ayaa sheegay inay si aad ah u canbaareynayaan weerarka noocaasi ah oo ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Urur weynaha Al-Qaeda.

“Weerarada noocaasi ah waxa ay dhabarjab weyn ku yihiin horumarada amniga dib udhiska iyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee hanaanka Dowladnimo dalka”Ayuu yiri Mr Hague.

Xoghayaha arimaha dibada Dowladda UK, ayaa Dowladda Soomaaliya wuxuu ugu baaqay inay ku dadaasho xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo kaashanaysa ciidamada Amisom ee howlgalka Milateri Soomaaliya ujooga.

Al-Shabaab ayaa dharaar cad oo Duhur ah waxa ay weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah ku galeen xarunta dalka looga arimiyo ee Madaxtooyada, halkaasi oo ay ku dileen dad kamid ah shaqaalaha Dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa raga Shabaabka ee Madaxtooyada weeraray waxa ay ku sheegtay tiradooda 9-ruux oo labo kamid ah ay isqarxiyeen todobada kalena la dilay.

Salaanmedia/Mogdisho