Dowladda Sacuudiga oo Soomaalida si weyn ugu soo tarxiileysa Magaalada Muqdsiho

south sudan

Dowladda Sacuudiga, ayaa waxay xoojisay tallaabada ay dib dalka ugu soo celineyso dadka Soomaaliyeed, ee sida Sharci darada ah ku jooggo dalkeeda.

Ciidanka ammaanka ee Dowladda Sacuudi Carabiya, ayaa si weyn Soomaalida uga soo qab qabanaaya Magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ku yaala, iyagoo xabsiyo kala duwan u daabulaaya dadkaasi.

Ilaa 300 oo ruux oo Soomaali ah, ayaa maanta dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho, markii uu saamayn weyn ku yeeshay hawlgalka qab qabashada, ee ay Ciidamada Sacuudigu ka sameynayaan dalkaasi.

Dadka laga soo tarxiilay Sacuudiga ee maanta la keenay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay isugu jiraan caruur, ciroole, haween iyo ragba, waxayna muddo billo ah ay ku xidhnaayeen xabsiyo ku yaala dalkaasi.

Shacabka Somaliyeed ee dalkooda lagu soo celiyay, ayaa waxaa ka muuqaneyso darxumo, iyadoo ay dhib badani ka sheeganayaan xabsiyada Sacuudiga, intii ay ku xidhnaayeen.

Dadkaan, ayaa mahdinaaya in iyagoo ay noloshu baaqi ku tahay, in ay dib dalkoodu ugu soo laabtaan, haddii uu yahay kii lama huraanka ahaa.

Ciidamada Booliska ee Sacuudiga, ayaan si aan kala sooc lahayn u soo tarxiila dadka Somaliyeed, ee billaa Sharciga ku joogga Wadanka ka tirsan Khaliijka.

Salaanmedia/Mogdisho