Dr Maxamed Cabdilaahi Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland oo ka war bixiyey shir ay London kaga qayb galeen.

Dr Maxamed

Fab 20,2014 London(SM)- Xukuumadda Somaliland ayaa sii amba-qaaday wejigii labaad wada-hadal ay bishii hore wada yeesheen shirkadda adduunka u kala iibisa shidaalka ee lagu magacaabo Detol oo laga leeyahay dalka Ingiriiska.

Wefti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay wada-hadal magaalada London kula yeeshay shirkadda Detol, iyagoo sii amba-qaaday wejigii labaad wada-hadal ay hore u yeesheen labada dhinac.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ah xubnaha weftigaas ayaa ka warbixiyay waxa uu ku saabsan yahay wada-hadalka ay la yeesheen shirkadda Detol iyo waxyaabaha ay ku falan-qeeyeen wejiga labaad ee wada-hadalka Somaliland iyo shirkada adduunka u kala iibisa shidaalka ee Detol.
“Safarka aanu halkan Ingiriiska ku nimi aniga iyo wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonix ujeedadiisu waxay tahay wada-hadallo hore noogu bilaabmay shirkaddo Ingiriis ah oo ay ka mid tahay shirkadda Detol ee adduunka shidaalka u kala iibisa inaanu la sii wadno wada-hadallo aanu la bilawnay bishii hore oo ku saabsanaa haamaha Berbera ee lagu kaydiyo.” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas ku daray isagoo ka hadlay waxyaabaha ay ku gorfeeyeen wada-hadalkaas iyo qodobadda ay isla meel-dhigeen. “Qaybtii labaad waxaanu ka wada hadalnay oo maanta (shalay) London nooga bilaabmay barnaamij farsamo iyo hindiseyaal ay soo jeedisay shirkadda Detol oo aanu kala hadlaynay oo aanu darsaadaynaynay. Dhinaca kalena waxaanu ka wada-hadalnay sida ay Somaliland u doonayso in wax looga qabto haamaha shidaalka Berbera.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay awoodda ay Somaliland u leedahay inay qaabisho maalgeshayadaal caalami ah, ayaa ku jawaabay. “Waxa cadeyn u ah waxa jira shirkaddo waaweyn oo Somaliland imikaba maalkoodii galiyay oo ay ka mid yihiin shirkaddaha Coca Cola, Genel Energy, waxa xiisaynaya shirkaddo waaweyn oo doonaya inay dekeda dhisaan oo ay shirkadda weyn ee Bollore ka mid tahay oo 19 dekeddood oo Afrika ku yaalla maamusha, halkan (Ingiriiska) waxa jira shirkaddo badan oo aanu la kulmayno oo danaynaya, markaa cabsi ay dunidu ka qabto. Dhinaca kale dawladdo waaweyn oo aan la aqoonsana yn ayaa jira sida Taiwan oo dhaqaalaha dunida kuwa ugu waaweyn ku jira iyo Kurdistan oo saliid badan laga soo saaray, markaa Somaliland waxay imika leedahay siyaasaddii ganacsiga iyo maalgeshiga, waxaanu samaynay xeerar cusub oo dhiirigelinaya adduunyadu inay Somaliland timaado. Somaliland waa dal nabadgelyo ah oo ilaalinaya xoolaha dadka ajinabiga ah ee la keeno Somaliland, waxaanu leenahay shuruuc kale oo hagaysa, soona kordhinaysa in baayac-mushtarku uu yimaado.”

Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shalay wareysi siiyay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa wax laga waydiiyay inay Soomaaliya saamayn ku leedahay ama ka wada- hadlaan markay heshiisyada maalgeshiga samaynayaan, waxaanu ku jawaabay. “Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeya ee inta badan ku saabsan xaga iskaashiga, hadday noqoto amniga, dhaqaalaha iyo inaanay dhinacba dhinaca kale aanu ka horjoogsan xaga horumarka iyo mucaawinooyinka, dhaqaalaha iyo maalgeshiga ayaa ka mid ahaa arrimihii aanu sida wayn uga wada-hadalnay, wada-hadalladaas qaybahoodii horena waxa ku jiray qodobbo muujinaya in xaga horumarka lasoo dhaweeyo.”

Salaanmedia/ London