Duqeymo xoogan oo caawa lagu garaacay Magaalada Muqdisho

Brok news

Salaaddii Cishaha kadib ee caawa, ayaa waxaa Magalaada Muqdisho laga maqlay duqeymo xoogan, oo intoodu badan loo riday dhinaca Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaafiicdaan oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha, ayaa waxay intoodu badan ay ku soo dhaceen Degmooyinka Boondheere, Wardhiigley, Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo Waaberi.

Sidoo kale madaafiicda, ayaa saamayn ku yeeshay Xaafadda Buulo Xubey, agagaaraha Isgoyska KM4 iyo qaybo ka mid ah Degmada Hodan.

Madfac ku soo dhacay guri ku yaala Degmada Xamar Jajab, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen laba ruux, iyadoo ay labadaasi ruux yihiin labada kaliya ee la ogyahay, in ay ku waxyeeloobeen madaafiicdaan.

Waxaa suurta gal ah in khasaaraha ka dhashay madaafiicdaan ay intaasi ka sii badan karaan, iyadoo Magaalada laga maqlaayo gaadiidka gurmadka deg degga oo si xowli ah ku soconaayo.

Madaafiicda caawa loo qaybiyay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaan la ogayn in gudaha loo geliyay Madaxtooyada oo loola dan lahaa iyo in kale.

Dhanka kale madaafiicdaan, ayaa waxaa barbar socda qaraxyo laga maqlaayo qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waana kuwo kordhinaaya walaaca ay qabaan dadka reer Muqdisho.

Duqeymaha xoogan ee lagu harqiyay dhinaca Villa Somalia, ayaa noqonaaya kuwo dadka reer Muqdisho soo xusuusiya xilliyadii adkaa ee Caasimada soo maray, ee sanadihii 2007-dii ilaa 2011-kii.

Dadka, ayaa waxay su’aal iska weydiinayaan haddii xalay ay Magaalada Muqdisho marti gelisay duqeymo iyo qaraxyo saf mareen ahaa, waxa ay Ciidanka Dowladdu maanta u qaadi waayeen hawlgalo ka dhan ah duqeymaha iyo qaraxyadaasi.

Salaanmedia/Mogdisho