Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland oo Maanta Dib U Dhigay Ansixinta Xeerka Komishanka HIV/Aids Gudina u Saaray.

Hargeysa ( SM )Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro , Fadhiga  maanta ayaa Goluhu sidii uu balansanaa uu Guddoomiyuhu sheegay in loo codayn doono Xeerka komishanka ladagaalanka Cudurka HIV/AIDS.

Intaas ka dib qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa soo jeediyay Ra’yi ah in aan maanta Xeerka loo codayn ee maadaama ay wax badani ka dhiman yihiin loo baahanyahay in Guddi loo saaro si ay usoo darsaan maadaama uu Xeerkani u baahanyahay in aad loo falanqeeyo oo lala tashado dadka iyo Hay’addaha ku shaqada leh ee hawshooda uu saamaynta tooska ah ku leeyahay.

Waxa kale oo iyaguna Ra’yi kaa ka duwan soo jeediyay qaar ka mid Xildhibaanada Golaha oo sheegay in Xeerkan isla maanta loo codeeyo.

ciro

Guddoomiyuhu isagoo tixgalinaya ra’yiga Xildhibaanada ayaa waxa uu sheegay in labada soo jeedinoodba ay waafaqasanyihiin Xeer hoosaadka sidaa darteed uu go’aanka iska leeyahay Gole waynuhu waxaanu Guddoomiyuhu cod galiyay labadaa fikradood.

Codka aqlabiyadiisiina waxa uu u dhacay in aan maanta la ansixin Xeerka ee Guddi loo saaro, intaas ayaa waxa uu Gudoomiyuhu sheegay in Guddi la magacaabi doono taas oo la siin doono mudo hal todobaad ah inay Golaha ku hor keenaan Xeerka

Salaanmedia/Hargaysa

adhco