Faham Intee Leeg Ayaad Ka Qabtaa Nadaafada Iyo Quruxda

(SM:Hargaysa) Nadaafada waxaa loogu baahan yahay caafimaadka jidhka iyo raaxada ruuxda. Sida culimada caafimaadku sheegaan nadaafad la’aantu waxay keentaa cuduro badan oo kala duwan.

Haddii ay timaado cudurada ka dhasha nadaafad la’aantu waxay keenayaan khasaare badan oo nafta, caadifada iyo dhaqaalahaba isugu jira. Ruuxdu waxay ku raaxaysataa inay fiirsato shay nadaafad leh.

Hadii qofka jidhkiisu, dharkiisa iyo gurigiisu nadaafad leeyihiin ruuxdiisu way raaxaysanaysaa, jidhkiisuna caafimaad ayuu dareemayaa

Bal wax yar qiyaas, xanuunka, War-warka, dhimashada, wakhti dhuminta iyo lacag kharash garaynta ay keenayso jiradu. Haddii waxaas oo dhan oo dhib ah ay keenayso nadaafad la’aantu maxay-naan ugu dadaalayn, nafteenana u barayn nadaafada? Diinta Islaamku waxay ina amraysaa inaan nadiif ahaano, xaga jidhka iyo ruuxdaba. Waxay ina amraysaa in aynu qurux badnaano ‘Ilaahay wuxuu jecelyahay, kuwa u soo noqda oo xumaanta ka toobad keena.’

Baqara. Ayaada 222. Nadaafadu waa dhaqan iyo tarbiyo la barto. Haddii aanu qofku arag dhaqan ficil ah oo ku saabsan nadaafada, isla markaasna aan lagu tababarin marka uu yar yahay, kuma baraarugi karo kaliga muhimada nadaafada. Tacliinta iyo baraarujinta ku saabsan nadaafada iyo macluumka caafimaadku waxay dadka ku abuuraan dareen ay isaga ilaalinayaan khatarta kadhalan karta nadaafad xumada. Inkasta oo dhaqanka Islaamku caawinayo nadaafada, haddana waxaan u baahanahay wacyigalin dheeraad ah oo ku saabsan nadaafada.

Dhaqankanaga ka soo jeeda miyiga iyo biyo la’aanta iyo wax barashada guud oo nagu yar, waxay ka qayb qaateen inaanaan aad u fahmin kuna dadaalin nadaafada.

Awoodada garasho ee ku saabsan muhimada nadaafada, waxaa si fiican loo arki karaa markii la barbardhigo nadaafada ummadaha kale. Ka dib qaxii ay Soomaalidu qaxday, waxay la darseen dadyow kala duwan iyo ummado kala dhaqan ah.

Sida American, European, African iyo Caraba. Halkaas ayaa waxaa laga qaadan karaa wax yaabo badan oo ku saabsan kala duwanaanta annaga iyo ummadaha kale. Taas oo aan u baahanahay inaan kaga dayano wixii ay nooga fiicanyihiin oo dhaqan iyo aadaab ah, oo ay ka mid tahay nadaafadu. Runtii wax ka barashada dadyowga kale waa fursad qaali ah oo aan la helikarin.

Haddaan nahay Soomaali, haddii aan waynay karaamadii iyo sharaftii dawladnimada iyo daganaan-shaha, waa inaan dhinaca kale ka fa’iidaysano qaxanagii, oo aan wax badan oo dhaqan iyo akhlaaq ah aan ka barano ummadaha kale ee aan ku qaxnay. Runtii waxaa jira wax badan oo muhiim ah oo aan ka baran karno, haddii aanaan iskala waynaan wax barashada iyo wax fahamka.

Is difaaca iyo ilaalinta dhaqanka iyo diintu waa shay dabeeci ah oo aadanaha oo dhan ku abuuran. Fircoon oo ka digaya Nabi Muuse, ayaa yiri: ‘Waxaan ka baqayaa in ninkaani badalo diintiina ama uu fasaad ku fidiyo aduunka.’

Haddii aan saas oo kale u baqno oo aan istaagno mowqif aan difaacayno oo aan ilaalinayno wixii aan haysanay, waxaan waayaynaa inaan wax ka barano waayo-aragnimada qaxootinimada iyo ummadaha kala duwan ee aan la kulanay.

Qofku inuusan wax ogayn ceeb ma’aha, ee waxaa ceeb ah inuusan wax baran. Haddii aan ka faa’iidaysano wixii aan aragnay oo dad iyo dhaqan kaladuwan ah, isla markaasna aan wax ka barano ummadihii kala duwanaa een aan la darisnay, waxaan heli lahayn faa’iido wayn oo le’eg ama u dhigmi karta khasaarihii nagaaray ee aan annagu isu keenay.

Marka aan wax ka barano ummadaha kale, aana ka qaadano akhlaaqada iyo dhaqanka fiican haddii ay nagu dhaamaan. Waxaa ka mid ah nadaafada iyo xaragada. Wax lagu dhasho ma jiraan. Wax walba waa la bartaa.

Haddii aynaan caruurteena barin sidii ay isu nadiifin lahaayeen yaa kale oo baraya. Guriga kuma barno caruurta sidii ay kaadida iyo saxarada isaga dhaqi lahaayeen, mana lihin xarumo kale oo ciyaalka lagu baro wax yaabaha nolosha ku saabsan. Qofka aadanaha ah, dhadig ama lab, waxaa la xiriira wax yaabo joogto ah oo uu san marna ka fakan Karin ama ka maarmin oo dabeeci ah.

Haddii aan wax yaabahaas si fiican loo barin sixun ayuu u isticmaalayaa. Nadaafada iyo iska dhiqista nijaasada waa in la baro caruurta. Sidoo kale xiriirka jinsiga ah, ama kulanka raga iyo haweenka waxaa loo baahan yahay in la baro dhalaanka waxa ka xun iyo waxa ka fiican iyo sidii loo isticmaali lahaa ama loo wada dhaqmi lahaa.

Ka aamusida iyo qaranta arrimaha galmada waxba ma anfacayaan, maxaa yeelay waa shayga ugu wayn ee aadanuhu u baahan yahay ama ka fikiro. Haddii aan si fiican qofka loo barin sidii uu ugudan lahaa sixun ayuu ugudanayaa. Maxaa xalaal ka ah arrimahaas maxaase xaaraan ka ah, waa in la baro caruurta.

 La Soco…….