Fanaanada Caanka Ah Ee Hibo Nuura Oo La Gudoonsiiyay Shahaado Sharaf Ay Ku Mutaysatay Kaalinta Ay Ku Dhex Leedahay Bulshada Somaliyeed (Daawo Sawirada)

Fanaanada Caanka Ah Ee Hibo Nuura Oo La Gudoonsiiyay Shahaado Sharaf Ay Ku Mutaysatay Kaalinta Ay Ku Dhex Leedahay Bulshada Somaliyeed (Daawo Sawirada)

Feb 10, 2014 Muqdisho(SM) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta shahaado sharaf gudoonsiiyey Fanaanadda Qaranka Soomaaliyeed ee Hibo Maxamed Cudoon (Hibo Nuura). Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ku simaha Madaxweynaha Dalka,Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka, Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka,Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan,Fanaaniin,xubno ka socday ururka Haweenka Qaranka iyo marti sharaf kale. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo Wasaaradeedu ay soo qabanqaabisay Munaasabaddan ayaa hadal kooban oo ay goobta ka jeedisay waxa ay ku sheegtay in??????????fanaanadda Hibo Nuura ay tahay mid aanay lasoo koobi Karin waxaana ay fursad weyn ku tilmaantay shahaado sharafta maanta la gudoonsiiyey.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo isaguna dhankiisa Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimadda uu fanku u leeyahay dowladnimada waxaana uu tilmaamay in bulsho aanay fan laheyn ay aad u adagtahay si dowladnimo buuxda ay u hesho waxaana uu sidoo kale ka hadlay taariikhda iyo aqoonta shaqsiyadeed uu u leeyahay fanaanadda Hibo Nuura. Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa aad ugu ammaanay fanaanadda Hibo Nuura kaalinta ay mar walba ku leedahay wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed waxaana uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka fariin u diray fanaaniinta Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool iney dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Abwaan C/kariin Faarax Qaareey (Jiir) Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo madadaallada Qaranka oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahad celiyey isaga oo ku hadlaya magaca fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka shahaado sharafta uu gudoonsiiyey Fanaanadda Hibo Nuura waxaana uu ka waramay kaalinta ay Hibo ku dhex leedahay fanka.