Fariin shicibka Somaliland … Is weydiiya mee madaxweynihii dalka loo doortey By Abdi Mustafe

MAQAAL

Waxa xaqiiq ah in madaxweynihii shicibku doortey aannu war iyo wacaal ka hayn dalku halka uu maraayo. Mudo dheer baa lala lahaa Silaanyo dalka kama taliyo. Hadaba tii wey rumowdey oo cid aragtaa ma jirto. Cidna looma ogola in ay u galaan.

Waxa loo badinayaa in gabow iyo xanuun ba isugu darsameen. Ma dhici karto macquul na maaha in uu bedqabo oo waa la arki lahaa ama la maqli lahaa. Dalku wuxuu gacanta uuga galay dumar iyo dad aan khibrad lahayn iyo qaar aan xilba hayn oo kala ha Amina Weris iyo Xirsi iyo Morgan iyo Dumar madaxtooyada ku shira oo ay uugu horeyso Wasiirka tacliinta Zamzam iyo Gabadha Baashe iyo Xaaska Mohamed Hashi iyo qaar kaloo badan oo magacooda hore u badanyey Amina. Shicibku waxay xaq u leeyiin in ay ogaadaan xaalada uu ku suganyey Madaxweynuhu. Hadii looga warimi waayana xalku wuxuu noqonayaa in wadanka magaalo walba laga mudaharaado  iyadoo la leeyey mee Madaxweynihii dalkan loo doortey.

Somaliland meel khatara ayey mareysaa hadaan shicibku tashan qaskaa maantaba ka taagan golihii wakiilada mid ka daran baa dhici oo dadka iyo dalkaba wada saameysa. Silaanyo haduu uugu yaryey waa ilaa 84 jir hadaanu 86 ba ahayn…Markaa xaaladiisa caafimaad aad baa looga webinayaa…

Waxa kaloo jirtey in markuu mucaaradka ahaa uu ku dhacay STROKE khafiif ihi… Caadada stroke gu waxa weeye mar haduu kugu dhaco wuu soo noq noqdaa…

Akhristow is weydii muxuu Silaanyo u muuqan waayey ama loo maqli waayey dabeed ku cibra qaado qoraal kan. Amina Weris shirarka kamay qeyb gasheen haduu Silaanyo nin talin kara uu yahay ee tabtii Habiib Boorqiiba ama mao tse tung ayaa la rabaa in dalka cid isaga u dhawi xukunto isna uu qolka nasashada iska jiifo. Shicibku ha is weydiiyo mee madaxweynihii dalka loo doortey.

Abdi_Mustafe123@yahoo.com