Gaar ah: Gudiga kormeerka UN ta oo a digay hubka Somalia oo la wareejiyo si ‘qaabaysan’

Gaar ah: Gudiga kormeerka UN ta oo a digay hubka Somalia oo la wareejiyo si ‘qaabaysan’
 UN
Report sir ah oo gudiga kormeerka UN ta ayaa ka digaya in si qaabaysan oo xun ay dawlada Somalia u dhaqantay kaas oo ay gudigu sheegeen inuu ogalaanayo in hubka loo gacan galiyo ama lagu wareejiyo gacan kale, hubkaas oo dawladu soo gadato ka dib markii gudiga amaanka ee UN ta ay ka qafiifiyeen cuna qabatayntii hubta sarnayd Muqdisho sanadkii hore.
Qaar ka mid ah hubka ayaa la aaminsanyahay in lagu wareejiyay si ula kac ah hogaamiyaha ururka Al-Shabaab kaas oo gacan saar la leh ururka Al Qaeda, gudiga kormeerka ayaa ku sheegay faaladooda, kaas oo laga helay Reuters.
 
Faladooda 14 ka page ah Gudiga amaanka ee cunaqabataynta hubka, gudiga kormeerka Somalia iyo Eritrea ee UNta wuxuu codsanayaa in dib loo soo cesho cunaqabataydtii hubka oo buuxda ama ugu yaraan la adkeeyo falaqaynta ama baahida taas oo la xiriirta kala gudbinta hubka.
“Gudiga kormeerka wuxuu cadeeyay cadad hawlo iyo fiirooyin gaar ah taas oo la xiriirta xaalada maamul ee hubka iyo rasaasta kaydka ah ee Dawada Federalka Somalia, taas oo si gaar ah farta ugu fiiqaysa in si qaldan oo gaar ah loo isticmaalo hubka iyo rasaasta iyo qaybintooda”. Faalada ayaa saas leh.
 
Gudi madax baanaan oo ku xeel dheer baarida iyo dib u raacida ee hoos taga UN ta cunaqabataynta xukuumada Somalia-Eritrea.
Go’aankii 15 naad ee wadamada gudigu ay ku qafiifiyeen cunaqabatayntii hubka saarnayd Somalia mudada dhan tobaneeyo sano ee laga qaaday bishii March waxay ahayd mid la isku la isku khilaafay, inkastoo Washington ay taageertay codsigii dawlada Somalia oo ahaa in laga qaado ama laga qafiifiyo si ay si fiican ugu qalabayso ciidankeeda iyagoo markaas si fiican uga dagaalaya Al-Shabaab.
 
Faalada cusub ayaa waxay 
ka waramaysaa inay adkayd in gudiga kormeerku inay tagaan kaydka hubka ee Somalia in xog ku saabsan hubka oo sii badanaya.  Waxay intaas ku sii daraysaa in dawlada ay kansashay kormeer hubka ah oo ay qorsheeyeen gudiga kormeerka hubka iyo saraakiil UN ta ah.
FARQIYADA 
Gudiga kormeerka wuxuu cadeeyay sida qaybo ka mid ah hubka oo ka yimid Uganda iyo Djibouti oo ay ka mid yihiin koryaha gacanta ee fud fudud, gantaalada, bambaanooyinka gacanta laga tuuro, iyo rasaaska “kuwaas oo aan meel agu sheegi Karin”. Sidoo kale faaladu waxay sheegtay farqiyo u dhexeeya tirada hub laga soo diray Ethiopia.
“ dal-daloolada u dhexeeya warbixinta… waxaa adag in la qeexo cadadka hubka ee la leexiyay ama la wareejiyay,” faalada ayaa saas leh. “ inkastoo gudiga kormeerku uu helay qaybo kale oo cadayn ah taas si farta ku fiiqaysa in ciidanka Somalia ay si qaldan u isticmaaleen Hubka.
Gudiga amaanka ayaa uk soo rogay cunaqabataynta hubka Somalia sanadkii 1992 si loo jaro hubka ku sii qulqulaya Somalia kaas oo sii kicinayay loolankii u dhexeeyay dagaal oogayaasha. Kuwaas oo sanad ka hor ka tuuray xukunka kali taliyihii Mohamed Siad Barre iyo inay wadanka ku soo rogeen dagaal sokeeyo oo daba dheeraaday.
Somalia waxay ahayd mid aan sharci ka jirin ilaa iyo 2012, markaas oo la qabtay codayntii ugu horaysay muda 21 sano ah oo lagu doorto madax wayne iyo Raisul wasaare.
Gudiga kormeerka waxay cadeeyeen ugu yaraan labo qabiil “oo ah xarunta ama isha hawshu ka socoto” ee helida hubka gudaha Dawlada Somalia kuwaas oo u qaybinayay huba “ ciidamo bar bar yaac ah iyo malayshiyaad qabiileed ku waas oo aan qayb ka ahayn ciidanka amaanka Somalia”.
Mid ka mid ah kooxahaas waa koox ka mid ah qabiilka Abgaal oo madaxwaynaha Somalia ka soo jeedo Hassan Sheikh Mohamud, kaas oo yiri bishii hore inuu rabo in UN ta gudigeeda amaanka ay kordhiyaan qayb ka qaadista cunaqabataynta hubka taas oo dhacaysa March sababtoo ah ciidanka dawladu waxay u baahanyiin hub badan iyo qabalayn fiican si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.
 
“ Mid ka mid ah la taliyaasha gaar ah ee Madaxwaynaha, kaas oo ka soo jeeda Qabiilka Abgaal waxa uu ku lug leeyahay qorshaynta in hubka lagu wareejiyo hogaamiyaha Al-Shabaab Yusuf Isse… kaas oo ah Abgaal”, faalada ayaa saas leh
Mohamud wuxuu u sheegay Reuters bishii January in dawladiisu ka soo baxday dhamaan shardiyadii la xiriiray qayb ka qaadista hubka. “ waxaanu raacaynay talaabooyinka gudiga amaanka iyo gudiga loo xil saaray inuu kormeero,” ayuu yiri.
 
WASIIR DAWLADA KA MID AH
Faaladu waxay sidoo kale carabaabtay qaybta uu ka ciyaaray wasiir dawlada Somalia ka mid ah kaas oo ka soo jeeda qabiilka Habar Gidir oo la xiriirta hub laga soo gaday “ dawlad ajaanib ah oo ku taal Gacanka” dawlaadaas oo faaladu aysan cadayn.
“gudiga kormeerku wuxuu helay cadayn la isku halayn karo in hub aan la cadayn lagu keenay diyaar ka mitid dawlad gacanka carbeed ah oo Mogadishu keenday intii lagu jiray October 2013, taas oo lid ku ah ama ka soo horjeeda cunaqabatayntii hubka ee saarnayd.” Ayay tiri faaladu oo warkeeda sii wadatay.
“xaqiiqdii, ka dib markii la dajiyay hubkii, qayb ka mid ah waxaa loo qaaday meel gaar ah oo ku taal Mogadishu,” gudiga ayaa saas yiri.
Qafiifinka cunaqabaynta hubka oo ay samaysay UN ta wuxuu ogol yahay in hubka sida qoryaha daran dooriga u dhaca, bambaanooyinka gacanta laga tuuro, laakiin wuxuu wali xayirayaa gantaalada dhulka laga rido, qoryaha waa wayn, hoobiyaasha, sidoo kale lidka kaaraya.
“isbadalla xaalada ee aan kor ku sheegnay waxay cadaynaysaa in hirgalinta dawlada ee siyaasada amaanka ay gacanta u gashay siyaasad qabiil,” faalada ayaa saas dhahaysa.
“qaybinta hubka ee qabaa’ilka ee lagu salaynayo dagaalka qabaa’ilka waxay ugu danbayn hoos u dhigaysaa ama yaraynaysaa sidii si wada jir ah oo istiraatijiy leh dawladu uga hortagi lahayd Al-Shabaab.”
 
Faaladu waxay sheegtay in suuqyo hubka oo gaar ah ay ku soo bateen Mogadishu, halkaas oo hubka ka soo wareega ciidanka dawlada lagu gado.
Gudiga kormeerku wuxuu soo dugbiyay 8 qodob oo ku saabsay cuna qabataynta hubka markii midka hada uu dhaco bisha soo socota. Waxay u dhexeeyaan in laga qaado cunaqabataynta dhamaan iyo in lagu soo rogo cunaqabatayn buuxda iyo inay macquul tahay in lagu daro qodoba cusub.
Waxay u talisay in la soo cesho cunaqabatayn buuxda ama ugu yaraan la sii wado iyo in lagu soo rogo sharciyo adag oo ku aadan wargalinta iyo warbixinta ee gudiga cunaqabataynta hubka ee UN ta.
Sidoo kale waxay soo jeediyeen inay macquul tahay in kor loo qaado mishinka UN ta ee Somalia iyadoo lagu lifaaqayo koox wax cadaysa iyagoo dib u raacaya soo dajinta iyo kaydadka hubka Somalia.
by ABDI  ABU AHMED
UK LONDON