Gabayaw Digniin Bixi Waa Abwaan sacad Cali kaahin Raamalay Iyo Maansadii Sadexaad Iyo Silsiladii Garbo-diir Inbox x

Maansadan Waxay soo baxaday 01/02/014
waxa la yidhaahdaa magaceedda Gabayaw Digniin Bixi
Waxana curiyay

sacad
Abwaan sacad cali kaahin Raamalay [sacad plucky]

waxanyan ku bilaab-maysaa sidatan ee lasocosho wacan

Ma- dad-baa ma duun-yaa
Ma-dar-baa ma oon-baa

Ma-dudaa ma daaq-baa
Ma-doc-baa ma dada-baa

Ma-dug-saa ma dhaxanbaa
Ma-deeq-baa ma dayrraa

Ma-dabayl-qabaw iyo
Milic-jiidhka damaqdaa

Ma-diig-baa ma doorra
Ma-dulmaa ma eex-baa

Deelkan miimka qaatay
Iska dabo caraw-doo
Had-ba dhan isu dadabtoo
Sidaan kuugu duur xulay

Dibirooti culus iyo daliil
Maanso kaad-tahay
Dadkii kugu wareeree
Maxaan kugu daweeyaa

Aan ku daadaheeyee
Soo daadeg arareey
Duluceey dirr-kaagiyo
Waxad-daaran-tahay-sheeg
Gabayaw digniin bixi

Geel diday didii-iyo
Ninka doobirta hayaa
Isag-iyo ku daalkii

Ninka durray abwaanadii
Qaran-kaw dagaalamay

Ninka kiisaka dumintaa
Denbi-gaw xambaarshaw
Adigiyo damiirkaa
Anna kaama dabo hadho

Dildilaaca marradiyo
Ninka dedaya boogtaw
Dadku saw ma arag qabo

Doon sii degaysanna
Ka dabaallo mooyee
Cabdaw sudux ka doondoon
Doqoniimo weeyaan sida
Doorkan aad tahay

Dunibay-nu joog-naa
Ilaa duudii nebi nuux
Wixii qoom is dabo maray
Udanbeeyay keenani
Kala didiye falan-iyo
Dib u celiye gaydhaw
Dadka kama dhamaanine
Derre-juu u fayd-naa
Dusha sare inuu korro

Balse waxa la dirri jirray
Dadka uu xukumayaa
Marka ay dareemaan
Sida doorkan maantaa

Deel qaafnna maahee
Waa dabeecad nololeed
Daalac-naasil keedoo
Dadkaa loogu sheegaa
Duul kooddi hagi-laa
Denbi ay ka qaateen
Sidda doorkan maantaa

Waxaan uga dan-leeyahay
Duug weeye suma-duye
Mid dab iyo mid caanood
Ninka doorinaayaw wallee
Kuumma dirro hawl

Waxan uga danleeyahay
Duubkiyo karaamada
Dusha kaan ka saaree
Daayacay xilkiisii
Udadaaba xidhan korodh
Iyo daalac saayidda
Inuu dego ha joog-tee
Wax ku daris ha faalayn

Afartaanna deelay
Inta aan u duur-xulay
Ma dul dhigay abaartii

Afar kalena waan degee
Duuliyi-hii berbera-iyo
Cabdiyaw dabka ha dhigi
Inta dalab-ta leedahay

Debcin maayo anigunna
Ilaa aarka aan dabbo

By sacad cali kaahin raamalay sacad plucky