Gabiley Oo Soo Dhaweysay Bashiir Tukaale Iyo Waftigii WADDANI Iyo Maayer Shucayb Oo Guuldarro Kala Huleelay Abaabulkiisi Dhalinyarada.

wa

Maayirka Dagmada Gabiley oo saaka si cad uga qayb qaatay hawlo fara galin amaan oo lagula kacay xisbiga mucaaradka ah ee waddani iyo khilaaf hor leh oo ka dhex abuurmay golaha deegaanka Gabiley ka dib markii maayerka magaalada gabiley uu soo adeegsaday dhalinyaro rabshad wadayaal ah si ay u khalkhal galiyaan soo dhaweyntii xisbiga waddani.

Ciidamada booliska oo si kala dambayn la’aan ah uga hor yimid amaro kala duwan oo ka soo yeedhay xukuumada siilanyo ayaa waxay ku guuldaraysteen inay ka hortagaan mawjadda taageerayaasha ah ee xisbiga waddani kaga hortagtay duleedka bari ee magaalada gabiley.

Waxa sidoo kale ka baaqday wasiirka madaxtooyada oo Safar ku imanlahaa xarunta gobolka gabiley ka dib markii imaatinka waftiga xisbiga mucaaridka ah ee waddani uu gilgilay magaalada halka xubnaha uu budhtuurka u yahay maayerka gabiley Shucayb Maxamed ay ku guuldaraysteen inay awood ku waajahaan waftiga waddani iyo taageerayaasha uga sii horeeyey gabiley.

Dadweynihii reer gabiley ayaa waxay xaqiijiyeen in maayir shucayib maxamed oo lacag u adeegsaday joojinta socdaalkan shaqo ee xisbigu ku soo gaadhay Gobolka gabiley isla markaasna abaabulay dhalinyaro tiro kooban ah iyo xubno ciidanka booliska ka tirsan oo dharcad xidhan.

Geesta kalena waxa dhawaac ka soo gaadhay rabshado ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada gabilay ka soo gaadhay taliye ku xigeenkii ciidanka booliska Md. Abshir Haaruun ka hor intaanu waftiga xisbiga waddani soo gaadhin magaalada gabiley.

Rabshadahan kooban ee uu agaasimay maayerka magaalada gabiley Shucayb Maxamed oo ay ka qayb qaadanayeen Dhalinyaro Dhawr ah oo la siiyay Lacago Kala duwan waa sida ay sheegayaan dadkii goob joogga ahaa ilaa subaxnimadii markii maayerka gabiley abaabulayey dhalinyaradan.


wad2 wad3 wad4 wad5