GADH-WADEENKII WAA-GEEDI IYO GURIGII

MAQAAL

GADH-WADEENKII WAA-GEEDI IYO GURIGII

21/OCTOBER 1969. MAYSKA GAADHNA INTAANAY-
GIBISHA XIDHIN GAMUUN-KOODUNA ADKAAN?
 
Salaama calaykum umadda reer Somaliland.
Waxa sida cadceeda umuuqata oo inta caqliga usaaxiibi daawanaysa inaynu galay xaalad khatar gelinaysa jiritaankeena, nabadeena iyo qaranimadii somaliland.
Waxaa muuqata in xukuumadeeni uqalab-qaadatay burburka dalka iyo kaladirida wadajirkii umadda, durbaankana utumatay keli-talisnimo iyo kursiga xukunka nalooga-danbaynmaayo.
 
Inay taladoodii kusoo-ururtay kudanayso oo kadanayso dabadeed kaladir dibna yey isusheegan, dilaal oo malaal duunyo kasamayso, dad danyari denbi-kuuma qabsankaraan, dayr qabiil oo kudifaaca danta guud uboob, durugso wakhtiga intaad danahaaga gaadhayso.
Eng. xasan xalwad