Go’aanada Guurtida Ee Iska Soo Horjeeda Iyo Imaanshaha Saleebaan Gaal Ee Deg-Deg Ah Maxaa Isku Beegay

Salaan ku socota hawlwadeenada shabakadan iyo dhamaan shacbiweynaha Somaliland meel walba oo ay joogaan

 MAQAAL
Marwooyin Iyo Mudanayaal waad ka war qabtaan xaalada cakiran ee ka jirta dalkii hooyo siiba weeraka qaawan ee ay madaxtooyada dalku ku hayso waaxada sharci dejitna oo ah golaha wakiilada. Sida aanu ku helayno warar xogogaal ah oo naga soo gaadhaya dalkii hooyo khilaafkii wakiilada ayaad u eekaanaya mid ay maarayn kari weyday ergadii guurtida ka socotay markii loo taagiwaayey xildhibaanada lacagta la soo qaatay madaxtooyada kuwaas oo rahman dowladuna dabada ka wado balse waa yaab iyo amakaag noqotay in uu gudoomiyihii dhamaa ee golaha guurtidu qayb ka noqdo khilaafkan soo jiitamayey in mudo ah gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Gaal oo dalka ka maqnaa intii uu khilaafkani socday iyo badiba inta ay dowlada inaadeerkii jirtayba ayaa laga warhelay in uu buriyey go’aankii uu kuxigeenkiisu ku dalbaday in dib loogu dhigo fadhiga golaha wakiila ilaa iyo shan iyo labaatanka bishan hasayeeshe Saleebaan Gaal baa taa ka horyimi oo soo faray kuxigeenkiisa in aan dib loo dhigin oo la furo fadhiga golaha wakiilada baritoole si cod loo qaado mooshinada lagu soo macmalay madbakha madaxtooyada ee uu ka taliyo inaadeerki Siilaanyo kaas oo ay hoosahaan heshiis ku yihiin carqaladaynta habsami u socoda dimuqraadiyada dalka iska horkeenka shacabka aan waxba galabsan horumarinta qodobadii sirta ahaa ee shirkii Garadag ee ay ay ka qayb qaateen.
 
Haatan sida la sheegayo dowlada oo adeegsanaysa Saleebaan Gaal ayaa imika u soo tafoxaysatay in ay gacanta ku dhigaan golaha qudha ee aan gacanta ugu jirin sidaasna lagu fuliyo qodobada inta ka hadhsan go’aanadii Garadag.
 
Hadaba talaabadan guracan hadii ay u suurtawdo ayaa mugdi galin karta nidaamkii dowladnimo oo imika isu bedelay mid qabiil oo weliba si xun loo isticmaalayo shaadh reereed, Somaliland uma muuqato mid ka badbaadi doonta arrimahan halista madaama aynu nahay dowlad yar oo aan cago adag ku taagnayn dadkuna wada qabaa’il yahay, mudadii ay dowladani jirtay ayaa dmoodaa in ay daaqada ka sii baxayso dhaqankii dowladnimo kana doorbiday dowladani curfigii beelaha kaas oo Somaliland ka dhigaya meel aan dowladi ka jirin ee ay tahay beelo  aan isku dan ahayn.
 
Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh