Golaha Wasiirada Soomaaliya oo qodobo xasaasi ah ka soo saaray shir ay ku yeesheen Madaxtooyada

image

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa gudoomiyay shir aan caadi ahayn oo caawa lagu soo gaba gabeeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkaan, ayaa waxaa looga hadlay arimo ay kamid yihiin qorshaha dhanka amaanka ah ee Xukuumadda Soomaaliya iyo kahor tagga falalka argagixisanimo, ee ay geysanayaan Shabaabka.

Waxaa kaloo shirkaasi looga hadlay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalana Xukuumaddu ay tacsi u dirtay ehelada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarkaasi in uu ilaahay u naxariisto, intii dhaawacantayna uu Samir iyo iimaan naga siiyo.

Shir waxaa laga soo saaray 3 qodobo, oo kala ah

1-Waxaa la magacaabay guddi heer wasiir ah oo loo saaray in ay baaritaan ku sameeyaan falkii shalay lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya. Gudigaasi oo loo qabtay in ay 5 maalin guduhood ku soo bandhigaan faah faahin la xiriirta sida ay wax u dhaceen, kadibna ay usoo bandhigaan Shacabka Soomaaliyeed.

2-Waxaa goluhu uu faray Wasaaradaha Amniga Qaranka, Gaashaandhigga iyo hay’adaha hoos yimaada in ay jawaab dag dag ah ka bixiyaan weerarada argagixisadu ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

3-Waxaa xukuumaddu ay go’aan ku gaartay qorshe ballaaran oo lagu howl-galinayo dhamaan qaybaha bulshada, maamulada degmooyinka, gobolada iyo hay’adaha amniga heerarkooda kala duwan. Waxaa howlgelintani ay bilaabanaysaa barrito oo taariikhdu ay ku beegantahay 23/2/2014.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdweli Sheekh Axmed, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyad weyn siin doonto amniga shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay go’aano adag ka qaadan doonto sidii looga guulaysan lahaa Nabad-diidka iyadoo la kaashanayo Shacabka.

Salaanmedia/Mogdisho