Guddida Turxan Bixinta Khilafkii Kulmiye Oo Caawa Soo Afjaray Ismandhafkii Jiray Iyo Nuxurka Heshiiska + Daawo Sawirro

(SLT-Hargeysa) – Guddidii Turxaan bixinta Khilaafka xisbiga Kulmiye, ayaa caawa soo gabogabeeyay khilaafkaasi isla-markaana soo bandhigay qodobbo  lagu heshiiyey oo labada dhinacba raali ka yihiin.

War-saxaafadeedka lagu shaaciyey heshiiska laga gaadhay khilaafka xisbiga Kulmiye oo uu warbaahinta u akhriyey xildhibaan Cali Mareexaan ayaa u dhignaa sidan:-

Ku:  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Ku: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Og: Madaxwaynaha JSL

Ujeedo Gudida turxaan bixinta xisbiga kulmiye

Mudanayaal sida aad la wada soctaan waxa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland magacabay Gudida turaxaan bixinta khilaafka soo kala dhex galay madaxda sare ee xisbiga kulmiye oo saamayn ku yeeshay qabsoomida shirweynaha seddexaad ee xisbiga kulmiye gudidaas oo ka kooban toban xubnood waxay si mug iyo miisan leh uga hawl gashay shaqadii loo igmaday.

Gudidu si ay u daristo baaxada khilaafka iyo waxa lagu kala qabanayo waxay kulamo gooni gooni ah la yeelatay dhinacyadii wax kala tirsanayay iyadoo dhinac walba la yeelatay saddex kulan oo gaar ah si khilaafka loo furdaamiyo waxayna gudidu kulamo shakhsi shakhsi ah la yeelatay xubnaha xisbiga ee kala cabanayay kaas oo ay u kaladab qaadaysay.

Kulmadaas gaar gaar ah ka dib waxay gudidu si toosa ah isu soo hor fadhiisiisay dhinacyadii wax kala tirsanayay kuwaas oo dhinac walba ku soo bandhigay wixii uu tirsanayay si furan oo saraaxad leh.

Hadaba gudidani  iyadoo tix gelinaysa wada jirka xisbiga kana duulaysa sidii shirweynaha xisbigu ugu qabsoomi lahaa wakhtigii loo cayimay iyadoo dhamaan xisbigu mid yahay.

 

Gudidu markii ay dhamaysa doodihii dhinacyada isla markaana ay si baaxd leh u daristay nuxurka khilaafku ku salaysanyahay waxay soo saartay go’aamadan.

1.       Waxa awooda qaban qaabada iyo diyaaarinta shirka iska leh gudida qabanqaabada shirweynaha, waxa gudidaas musdanbeed u noqonaya Hogaanka xisbiga

2.       Iyadoo la raacayo dastuurka Xisbiga waxay gudida fulintu ansixisaa afarta xubnood ee lagu soo daray gudida qaban qaabada

3.       Hadii loo baahdo wax ka badalka dastuurka xisbiga waxa awooda diyaarinta wax ka badalka yeelanaya gudida fulinta, waxaana soo jeedintooda ay u gudbinayaan gudida qabanqaabada oo iyana u gudbin doona shirweynaha

4.        Iyadoo la dhawrayo wada jirka Xisbiga waxay gudidu go’aamisay dhamaan xubanaha Hogaanka oo kala ah Gudoomiyaha iyo Afartiisa ku xigeen iyo Xoghayah guud sidooda loo daayo oo aan cidi kula tartamin isla markaan shirweynaha dib loogu soo doorto si loo mariyo sharciyada

5.       Ina C/casiis Maxamed Samaale uu ka mid noqodo gudida fulinta ee xisbiga

6.       Gudida fulinta ee cusub waxa soo magacaabaya Hogaanka xisbiga oo wada jira, waxanay kala tashanayaan Madaxweynaha Jamahuuriyada Somaliland

7.       Saddexda Urur ee kala ah Dalsan, Damal, Ummada waa in la siiyo Liisaska xubnaha Golayaashooda dhexe si ay uga qayb galaan shirweynaha Xisbiga ee soo socda

8.       Sida uu dhigayo sharciga Xisbigu Ergooyinka shirweynuhu waxay ka imanayaan Gobolada iyo Degmooyinka , waxaana soo xulaya Madaxda Xisbiga ee Gobolada iyo Degmooyinka iyo  Masuuliyiinta Heer Qaran ee Xisbiga U matalaya Gobolada iyo Degmooyinka

9.       Soo xulista xubnaha golaha dhexe ee lagu dooran doono Shirweynaha waxa lagu soo xulayaa sida ku cad qodobka sideedaad

10.    Gudida turxaan bixinta xisbigu waxay dusha kala soconayaan Fulinta go’aamada ilaa inta shirku qabsoomayo

 Magacyada Gudida Turxaan bixinta

 1.       Wasiirka Arrimaha Dibada Gudoomiye

2.       Wasiirka Gaashaandhiga Gudoomiye ku Xigeen

3.       Xildhibaan Cali Xasan Maxamed Xog-haye

4.       Wasiirka Duulista iyo Hawada

5.       Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Xubin

6.       Wasiirka Diinta iyo awqaafta Xubin

7.       Mareeyahaya Hay’ada Abaabulka saarka Qaranka  iyo Dib u jihaynta Xubin

8.       Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye Xubin

9.       Xildhibaan C/raxmaan ABuubakar Good Xubin

10.   C/laahi Jaamac Geel jira  Xubin

 Salaanmedia/Hargaysa