GUDDOOMIYE CIRRO OO FADHIGII GOLAHA WAKIILADA SOO XIDHAY, CALI IYO BAASHE OO MUDENAYAAL DHAARSAN KU HORJOOGA AQALKA IYO FARO-FARAYNTII XUKUUMADA OO BANAANKA TAAL.

107barlamanka

GUDDOOMIYE CIRRO OO FADHIGII GOLAHA WAKIILADA SOO XIDHAY, CALI IYO BAASHE OO MUDENAYAAL DHAARSAN KU HORJOOGA AQALKA IYO FARO-FARAYNTII XUKUUMADA OO BANAANKA T

Sunday, February 09, 2014 09:13:02

 

 

Hargeysa (SM) – Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee saaka ayaa lagu kala kacay ka dib markii ay soo galeen Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo wata ciidamo Tiro Badan.

Fadhigan oo uu markii hore shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa habsami u socodkiisii waxa khalkhal ku abuuray Ciidamada Tirada badna oo ay dalbadeen sida ay wararku sheegayaan Labada Guddoomiye ku xigeen.

 

Guddoomyaha Golaha Wakiilada ayaa ka guddoomay mudaneyaal soo gudbiyay laba mooshin, kuwaas oo kala ahaa in wax ka bedel lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Aqalka Wakiilada iyo waliba xildhibaano

 

 

 

 


iyaguna sitay mooshin dhigay in la dheereeye Kalfadhiga Aqalkaas oo maanta ku eekaa.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku war geliyay Mudaneyaasha in labadan Mooshin uu gudbin doono Sharci Yaqaanka Golaha Wakiilada si uu uga soo baaraan dego, halkaasna uu fadhigoodu ku xidhan yahay.

Markii uu fadhigu soo xidhmay ayaa waxa hoolka ka dareeray Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo xildhibaanada intooda badan, halka ay ku hadheen Xaruntii Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka dib markii uu soo xidhay Fadhiga Saaka warbaahinta la hadlay waxaanu sheegay in ay xukuumaddu si weyn ugu hawlan tahay sidii ay u burburin lahayd Golaha Wakiilada,  awoodeedana isugu geyn lahayd in uu fadhigaasi halkiisa ka sii socdo.

Wariyeyaasha ka qayb galay fadhigaasi saaka ayaa ku soo waramaya in ay xaaladda Golaha wakiiladu cirka isku shareertay isla markaana ay marayso meel aad u xasaasi ah.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Hadhwanaagnews

Hargeysa/Somaliland