Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia Prof Maxamed Cisman Jawaari Ayaa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Iran + Sawiro

jawaari c 

Tehran (SM)- Gudoomiyha iyo wafdigiisa oo ay ka mid tahay marwadiisa Xaawo Ibraahin Aadan ayaa waxa ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha magaalada Tehran abaare 3:00AM gelinkii dambe waqtiga Tehran waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey gudoonka Baarlamaanka dalkan Iiraan, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaannada Soomaaliya iyo Iiraan iyo safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Tehran Danjire Khaliif Kadiye Muuse.

jawaari a

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxaa la dejiyey Hotelka Persian Azadi Hotel oo ah halka loogu talagalay inuu ka dhaco shirweynaha 9aad ee dalalka Iskaashiga Islaamka OIC Baarlamaannadooda ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka halkan kulammo gaar gaar ah ku yeelan doono.

jawaari b

Kulammada kulanka ugu horeeya waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka saakay la qaadan doonaa waqtiga Tehran 2:00PM dhigiisa dalkan Iran Ali Larajani oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kulammo gaar gaar ah la qaadan doonaa Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Turkey,Qatar,Kuwait iyo dalal kale oo Afrika iyo Carabtaba ah.

Salaanmedia/Mogdisho