Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Oo Manta Xafiiska Ku Qaabilay Madaxweynaha Puntland C/Weli Gaas Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Muqdisho + Sawiro

Muqdisho(SM)- Kulankan oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee xarunta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jeeylaani Nuur Iikar, Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Ridwaan Xirsi Maxamed,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirro ka tirsan Puntland.

Halkan Riix oo Ka Daawo Videoga 

jawaari 1

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn tilmaamay in xafiiskiisa iyo magaalada Muqdisho uu kusoo dhaweynayo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa waxaana uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka muujiyey tiiraanyada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee la xiriirta geerida Allaha u naxariistee marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka.

jawaari 2

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhankiisa kulanka ka sheegay in magaalada Muqdisho uu u yimid ka qeybgalka aaska allaha u naxariistee Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen waxaana uu ka mahad celiyey soo dhaweyntiisa magaalada Muqdisho.

jawaari 3

Soo dhaweyntaasi kadib ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ay wada qaateen kulan gaar ah oo socday mudo ka badan saacad kaasi oo ay uga wada hadleen wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Salaanmedia/Mogdisho