War Deg-dega….Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Xidhay Fadhigii Golaha+Mooshinadii Loo Gudbiyey+Waxa Laga Yeeli Doono+Hanjabadii Xildhibaanada Laga Soo Shidaaliyo Madaxtooyada Oo Hagaastey

War-weyn:Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo xidhay Fadhigii Golaha+Mooshinadii loo gudbiyey+waxa laga yeeli doono+hanjabadii xildhibaanada laga soo shidaaliyo madaxtooyada oo hagaastey

Hargeisa-(SM)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan cirro ayaa xidhay golaha ka dib markii xarunta Golaha ay daf soo yidhaahdeen ciiddamo Booliisa oo uu hogaaminaayey taliye ku xigeenka Booliiska Somaliland Cabdiraxmaan Fooxle.

bashe3

Ciidamada Golaha soo galay ayaa sida xoggaha warfideyeenka Qarannews soo ururiyeen sheegayaan waxaa dalbaday gudomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Baashe maxamed Faarax iyo Gudoomiye-ku-xigeenka labaad Cali Yuusuf oo qas iyo khalkhal ka wadey tan iyo saaka golaha gudihiisa.

Geesta kalena xildhibaanada laga soo shidaaliyo qasriga madaxtooyada ayaa markii fadhigii saaka furmay u gudbiyey gudoomiye Cirro laba mooshin oo la filaayey oo mid ku saabsanaa in mudada kalfadhiga oo maanta ku ekaa lagu daro 30 cisho oo dheeraada ,halka mooshinka kalena ku saabsanaa hoos u dhigida meeqamka iyo maamuska gudoomiyaha golaha.

Gudoomiye Cirro ayaa sheegay inuu labada mooshinba u saari doono guddi farsamo oo isku soo hagaajiya, fadhigu sidaa ku xidhan yahay .

Yeelkeede markii goluhu xidhmay oo xildhibaanadu dareereen waxa golaha ku soo hadhay oo buuq iyo sawaxan iyo hadal gef iyo deelqaaf afka gacanta geliyey labada gudoomiye ku xigeen.

Geesta kalena gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ayaa markuu fadhigii golaha saaka xidhay u waramay warbaahinta ayaa daaha ka feyday in xukumada siilanyo ku mashquulsan tahay,farogelin weyna kula dhex jirto Golaha ,sababna u tahay waxa buuq iyo sawaxan kaanboolka golaha ka aloosan.