Guriga Saylici: Goob laga soo Cabeeyo Fidnooyinka lagu mijoxaabinayo Qaranimada Somaliland.

Guriga Saylici: Goob laga soo Cabeeyo Fidnooyinka lagu mijoxaabinayo Qaranimada Somaliland.
unnamed
Aslaamu Calaykum

Marka hore waxaan salamaya bulshada reer somaliland guddo iyo dibeddba, Waxa arrin aad u fool xun ah in guriga saylici waa guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo biyihiisa, gaastii, dhuxushiisa, iyo dheregiisaba ay ku baxdo cashuurta dadweynaha oo ah guri dawladeed oo ah hanti qaran oo u maamus iyo qadarin ugu jiro inta muddo xileedkiisa ayaa in mudddo ah ba ahayd goob aan danta iyo maslaxda ummada iyo aayaheeda lagaga talin balse ah xarun naar afuuf ah oo laga soo maleego shirqoolada dhagareysan ee lagu mijoxaabinayo dimqraadiyada iyo horumarka somaliland.

Gurigan ayaa gabood u noqday koox wasiiro qawlaysto ah oo madaxweyne ku xigeenku hor boodo oo ah kudlad isku xidhan oo u tafo xaytay inay maroorsadan awooda iyo gacan ku haynta nidaamka dawladnimo ee ay somaliland soo dhistay labaatankii sano ee u danbeyey.
Shirqoolada laga soo maleegay gurigan Saylici ayaa waxa ka mid ah Qaska ka socoda Xisbiga Kulmiye oo ilaa iyo maanta loo caal waayay xalkiisa, iyada oo aynu ogeyn dabinadii iyo shirqooladii laga soo maleegay gurigaas ee ku aadana xisbiga kulmiye iyo hogaankiisa sareba iyada oo tiro ba afar jeer ay ku guulaysteen in dib loo dhigo shirweynihii xisbiga kulmiye iyo kala qeybintiisa iyo sidii ay ugu guulaysteen in ay  wiiqaan hogaankii xisbiga kulmiye kana dhigeen magac u yaal aan talo iyo arrin midna ku lahayn hawlaha qaranka.
Waxa kale oo xusid mudan in kooxdan is dhaarstay ee fadhigoodu yahay guriga saylici ay rabaan in ay la wareegan gacan ku haynta xukumada iyo xisbigeeda kulmiye oo hadda u eeg in qeyb ka mid ahi u fuleen ka dib markii madaxweynihii somaliland noqday sawir ay dadka ka gadaan oo addunba war u haynin, taas bedelkeedna ay iyagu hagaan hawlaha qaranka.

Akhristow, waxa kale oo xusid mudan in weerarkii naf la caaridka ahaa ee qeybo ka mid ah xukumada siilaanyo ku soo qaadan todobaadkan golaha wakiilada uu ah mid si toos ah oo aan gabasho lahayn looga soo maleegay guriga uu degan yahay zaylici iyada oo intii mu’aamaradaas la maleegayey shacbiga somaliland idil ahaantii u jeeday, halkaas oo lacagtii qaadhanka ahayd ee wadada ceerigaabo iyo tii cashuurtaba ay ugu qeybinayeen xildhibaanada mooshin la duul ka ah si ay u galaalafan Xarunta golaha wakiilada si ay u hirgasho hamigooda ah inay awooda wadanka gebi ahaantiiba ( xisbi, xukumad iyo barlamankaba) ay gacanta ugu dhigaan kooxdani.

Ugu danbeyntii, waxaan bulshada reer somaliland ku baraarujinayaa in isha lagu hayo oo gacanta wax lagaga qabto fasaahadka iyo fidnooyinka laga soo cabeeyo guriga zaylici ee la doonayo in lagu minjo xaabiyo qaranimada somaliland ee naf iyo maalba loo soo huray.


Aqoonyahan Said A. Dualeh

Bahada Hormuudnews Media Group
UK