Habeenkii Xallay Oo Lagu Qabtey Xaflad Xuskii Sanad Guurada 32 Aad Ee Dhagaxtuurkii 20/2/14 Oo Ka Dhacday Bariga Magalada London.

somaliland waa nabad

Xaflad balaadhan oo aad u quruxbadan oo dhalinyarda Somaliland ee ku nool Uk isugu yimadeen oo sanad walba ma la abaabulo ayaa lagu qabtay bariga magalada London xafladan oo lagu xusayey maalintii dhaxtuurkii hargeysa ee dhalinyada Somaliland kala hor yimadeeentaliskii macangaga ahaa ee kalidii taliskii siyaad bare 20/2/1982,dhaqdhaqa dhalinyada Somaliland kala hor tageen siyaad bare oo ah ta keentey maanta nabada aynu ku naaloonayno ama ku faanayno.

SONY DSC

Xafladan oo lagu qabtey Bariga Magalada London waxaa ka soo  galey dadweyne aad u tiro  badan,Xafladdan oo si weyn loo soo abaabuley ayaa waxaa ka dhex muuqdey Bulshada Qaybaheeda kala duwan sida dhalinyarada Haweenka,Siyaasiyiin iyo Waxgaradka bulshada Somaliland ee wadankan uk.

SONY DSC

Waxaa si mugle uga Hadley Mujahid  Cali Gurey,Maxamed baarud cali iyo labada hablood ee madasha soo abaabuley warda iyo farax ,waxaay aad iyo aad uga hadleeen maalintan 20/2/14 muhiimada ay u leedahay dhalinyarada Somaliland .

Waxaa isna si layaable uga Hadley dhalinyada wakhtigaa joogtey hargeysa somaliland  iyo ururkii UFFO sida ay iskugu xidhnayee,waxaa kale uu dadka uga waramey dhibatadii rajimkii siyaad bare u geystey dhalinyarada Somaliland ee wakhtigaa iyo dhibtii soo martey,waxaa kale uu mujahid cali gurey uu sheegey in la jooga wakhtigii dhalinyarada Somaliland dalkooda u talin laheed oo jaanis la siin lahaa.

Waxaa markii danbe laysla afgartey in dhalinyada Somaliland joogat iyo kuwa dalalkan dibada ku dhasha layskugu xidhi lahaa ,oo dhalinyada dibad jooga ah wadanka wax uga qaban laheed.

Waxaa madasha hees cusub oo ay dadku aad ula dhaceen ka heesty fananada Somaliland ee nimco degan heesta oo la yidhaa qudhanjooy ku quuso. 

Xaflada xuska 20/2/14  ayaa waxa ku soo dhamaatay jawi  aad iyo aad farxadi ku dheehan tahay  Warda iyo Farax ayaa u mahad celiyeen dadweynihii  ka soo qeyb galey oo dhan madasha .

 

Mohamed Luqman

      Luqman

Â