Hambalyo Ku Socota Gudoomiyaha Dhalinyarada Scandanvian-ka Ee Xisbiga Waddani.

Hambalyo Ku Socota Gudoomiyaha Dhalinyarada Scandanvian-ka Ee Xiasbiga Wadani.

Enginer: Fu’aad Adan Biixi.

1779336_409250189209143_1367583277_n
Dhamaan Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Wadani ee Qaarada Europe waxa ay Hambalyo iyo soodhaweyn u dirayaan Fu’aad Adan Biixi oo loo caleemo saaray Gudoomiyaha Dhalinyarada Scandanvian-ka ee Xisbiga Wadani. Mudane Fu’aad oo ah khabiir ku takhasusay Cilmiga Tiknoolajiyada Computers-ka iyo Farsamoonyinka Idaacadaha Casriga ah, waxa uu dhawaan qayb libaax ka qaatay abaabulkii dhaqaale ururinta iyo wacyigalinta xisbiga ee ka socday Magaalada Aalborg oo ku taala waqooyiga Dalka Denmark. Aniga oo ku hadlaaya Magacayga iyo ka Xisbigaba waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa Enginer Fuaad Xilkaa Cusub ee loo caleemo saaray.

Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark.
Osman Abdillahi Sool. 04/02/2014

 — with Fuad Bihi.