Hargeysa(SM)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe, ayaa golaha wakiilada u soo jeediyay inay…..

Hargeysa(SM)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe, ayaa golaha wakiilada u soo jeediyay inay ilaaliyaan midnimada iyo shaqo wanaaga golahaas, waxaanu uga digay inay xukuumaddu adeegsato.

FAYSAL (1)

Guddoomiye Faysal waxa uu xukuumadda ku dhaliilay inay ku hawlantahay kala qaybinta awoodaha dalka, waxaanu ugu baaqay inay dadka midayso si looga hortago wax uu ugu yeedhay dhagaraha laga soo maleegaayo Muqdisho iyo Garowe. Waxaanu sidan  ku sheegay Faysal Cali Waraabe Waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay arinta golaha uu yidhi “Arintani golaha wakiiladu waa dagaal gudaheena ah oo cusub,markaas xukuumadda maanta joogtaa laba arin hakala doorato, inay dadka midayso oo dalka hoggaamiso oo ay cadawga badan ee aynu yeelanay maanta ay dadka ku jihayso, si dalku uu difaac,midnimo  iyo horumar u helo oo uu uga guulaysto shirqoolada isku xidhan ee Muqdisho iyo Garowe iyo inay isku keen jeediso, iyada oo dagaal ku wada xisbiyada mucaaradka ahaa,golahii mid kale ka dhex bilawdo, wasaaradiina dhexdoodii ay is haystaan, labadaas qodob waa inay shacbigu waydiiyaan dawladu kay u diyaarka tahay, anigu waxaan u arkaa dhaqdhaqaaqan golaha laga wado mid lagu doonayo in Somaliland lagu baabiyo.”

Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Xukuumadani saddexdaas sano ee ay dalka maamulaysay wixii aanay iyadu rabin waxa ay ka xigtay dagaal,waxa kasta sida ay rabto haddii aanay u dhicin dagaal ayay ka xigtaa,waad aragtaa sida naloogu baabi’inaayo idaacada iyo tilifishanka qaranka, sida naloogu diidayo inaan magaalooyinka galno, markaas dawladu waxay xooga saaraysaa maaha inay dalka hagaajiso oo waxii loo igmaday ay qabtee inay dadka aamusiiso oo aanay wax kale qaban ayay doonaysaa.”

Ugu danbayntii waxa uu guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah Ucid Faysal Cali Waraabe uu golaha wakiilada u soo jeediyay“Waxaanu u aragnaa inay tahay uun farogalin ay dawladu doonayso inay wax kasta faro galiso,xildhibaanadana waxaan leeyahay waa inaad mudnaanta siisaan midnimada iyo shaqo wanaaga dhexdiina in laydin adeegsadana  maaha.”

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Heego news