HOGAAMIYE (xukuumad) XIL KA WAYNOO AANAY QAADI KAREYN LOO DHIIBTEY .

calimaxamedbiixi

Gawaadjda xamuulka ah , haddii lagu raro xamuul ka badan intii uu qaadi lahaa ee loogu talo galey , waxa dhacda in uu jabo ama QALIBMO , halkaana qaxa ka dhasha DHIMASHO – DHAAWAC IYO KHASAARE BADAN , irnta u dhawna ee agagaarkaa u ku QALIBNAYNA waxaa ka soo gaadha iyagan dhibaatoon (wada oo xidhamta- burbur ) waa markey ugu yartahey .

Hadaba haddii aad gaadhigaa aad aragto mahlakadda ah oo aad raacdo , waxaad ogaataa oo hubaal ah in uu QALIBMI DOONO , goor ay noqotaba .
Darewalka iyo kooxda wadata gaadhigaana , waxaad ogaataa inaanay aheyn , qaar og ama ka warhaya qiyaasta gaadhigani qaadi karo .
Sidaa awgeed wax qorshe ah ama talo ah kuma socdaan , arinku iyaga waxa uu ka yahay oo qudha , wax badan oo kharash ah uun ururso iminka .
Xukuumadan talada dalka heysa (xisbiga kulmiye) waxa doortey shacabka oo codeeyey , laakiin lama ogeyn inay yihiin qaar aan qaadi kareyn xilka loo dhiibtey .
Waxaaney noqdeen koox aan qaadi kareyn oo uu ku culus yahay mas uuliyadan (xilkan -maamulkan ) loo doortey .
Waxaaney noqdeen waxba kaama gelin dalkan iyo dadkiisa ee , bal adigu shilimo uun ka arurso .
Hadaba qofkii caqli lihiba ee wax kala garanayaa wuu iskaga degi doonaa .
inta wax magaratada ahina way ku halaagmi doontaa .
Dalka iyo dadkuna wey jiri doonaan .
 
CALI MAXAMED BIIXI      caliwwelli@hotmail.co.uk