Hogaanka Xisbiga Waddani FINLAND Oo Hambalyo u diraya Ardayda Jaamacadaha Somlailand Ee Ku Soo Biiray Xisbiga Waddani.

Hogaanka  Xisbiga Waddani FINLAND Oo  Hambalyo u diraya Ardayda Jaamacadaha Somlailand Ee Ku Soo Biiray Xisbiga Waddani.Anig oo ku hadlayna magaca Hogaanka, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani  Finland  Waxaan hambalyo aan xad lahayn halkan uga dirayaa Dhamaan Dhalinyarada ama Ubaxii dalkeena ee  Jaamacadaha  dalka ku jira ama ka qalin jebiyay oo ah Aqoonyahanadii iyo Madaxdii Berrito ee Somaliland HABLO iyo INAMABA  kuwaas oo Ku soo biiray Xisbiga Waddani, Waxaan idin leeyahay ” WAX YAQAAN WAX LOOMA SHEEGO “

Kusoo biiridan ay ku soo biireen ardayda jaamacada dalka  XISBIGA WADDANI waxay markhaati u tahay sida ay shacbiga soomaliland isbedeldoonka u yihiin waayo ardaydu waa kuwa dareenka shucuubta laga dheehdaa, waxay kaloo markhaati u tahay inuu XISBIGA WADDANI yahay XISBIGA keliya ee ay arkeen inuu yahay ka baahiyaha kala duwan ee shacbiga Somaliland horyaala  wax ka qaban kara,  waxaynu wada ognay inay xukuumada hada talad haysaa ay ku fashilantay taladii dalka. Maah Maah ayaa tidhaa. ((A government without a goal  is as a ship without a rudder. And Both will end up on the rocks.))  Waxynu wada ognay inay Xukuumada talada dalka haysaa ay ka gaabisay ama ka mashquushay balan qaadyadiiay muwaadiniintu codka ku siiyeen ee ay balanqaaday wakhtigii ololaha lagu jiray waxay kaga mashquushayna ay ka tarjumayso MAAH MAAHDANI.((The key to failure, is trying to satisfaction to everyone around you.)) Hadaanu nahay XISBIGA WADDANI waxaanu balanqaadaynaa anaga oo aan talada dalkaba gaadhin in aanu talada XISBIGA iyo hogaankiisaba wax ka siino UBAXA dalka een XAMAR arkin doonaynina an ay arkaan, waayo waxay ogyiin wixii loo soo maray xoriyadan  iyo wax barashadoodan.

Shaki kuma jiro in barnaamij cad oo XISBIGA u yaalaa oo ay dalka wax ugu qaban doonaan in uu u dejisan yahay soo saaristiisuna uu wakhtigiisa sugaayo dhaliyaraduna ay kaalin libaax ku leeyihiin

Waxaanu leenahay Xukuumadu xuduudaha iyo gudaha dalkaba waxa ka socda wax haka qabato ee yaanay ku mashquulin cabudhinta AXSAABTA QARANKA.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Hogaanka Xisbiga WADDANI Finland.

A I Arte.         Helsinki

X M Hussein.

ari_artan65@yahoo.com

Finland.