Hoggaanka Dalka Hanashadiisu Hab loo maray leedahay (Qayb.1-aad)

Hoggaanka Dalka Hanashadiisu Hab loo maray leedahay (Qayb.1-aad)

W/Q:  Eng.  Hussein Adan Igeh || Hussein Deyr || Hargeysa, Jam. Somaliland ||

 

1. Hordhac

Waxa beryahan dambe si is-daba joog ah u soo baxayey hadallo iyo dhawaaqyo isugu jira dhalliilo iyo dhaleecayn xad-dhaaf ah oo Xukuumadda dusha looga tuurayey oo ay wadaan Xisbiyada Mucaaridka ah iyo shaqsiyaad iyagu si gurracan mansab u doonaya. Kooxahan huwanta ahi waxay yool iyo bartilmaameedba ka dhigteen Shirkii ka dhacay Turkiga ee u dhexeeyey Jam.Somaliland iyo Soomaaliya, waxayna jaah-wareer iyo cuqdad ka qaadeen maadaama ay ka midnoqon waayeen xubnihii ka qayb galayey shirka, sidaa darteedna mar haddaanay iyagu shirka ka qayb gelin ama aanay danahooda gaarka ah ka arkayn, wax kasta oo shirkaa ka soo baxaa ama labada dhinac (JSL iyoSOM) ay isla meel dhigaan aanu ahayn mid faa’iido ama waxtar u leh Jam.Somaliland.

 

Waxa quman in Xisbiyada Mucaaridka ahi ay fahmaan in Awoodaha Distooriga ah ee Qaranka JSL ay si cad oo qeexan u kala qaybsan yihiin. Xisbiyada Mucaaridka ahi ma laha xaqa hoggaaminta iyo xulidda xubnaha danaha Qaranka JSL uga qayb gelaya shirarka kala duwan. Arrintaa iyada ah maaha miday meeli uga bannaantahay Mucaaridka iyo kooxo kale oo iyagu had iyo jeer guluf ugu jira inay ummadda ka dhex abuuraan jaah-wareer iyo qas. Ummaddu waxay hoggaanka iyo hagitaanka Qaranka u doorteen M/weyne Ahmed Silaanyo iyo M/w/k/x C/raxmaan Saylici iyo Xukuumadda ay hogaamiyaan, iyagaana awood Distooriya u haysta oo ay ummaddu kala xisaabtamaysa wixii dheef ama dhalliil ah ee ka dhasha hoggaamintooda.

 

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay go’aansatay inay Gar-naqsato si ay Garowshiiyo uga Hesho Beesha Caalamka. Arrintani waxay horseeday Weji Cusub oo Diblomaasiyadeed oo ah in Jam.Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ee lagu gorfeeyo siyaasadda Dunida ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasho lahayna ka sheegato garteeda iyo xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh inuu helo aqoonsiga beesha caalamka.  Xukuumadda hadda talada haysaa waxay ku guulaysatay inay beesha caalamka ka dhaadhiciso kuna qanciso inaan dunidu isku qaldin  JSL iyo Soomaaliya ee ay yihiin labada dal oo gebi ahaanba kala duwan marka dhan kastaba la eego; taariikh ahaan, ummad ahaan, xuduud ahaan iyo qaabka maamulka dawliga ahba.

 

2. Mucaaridka: wixii laga sugayey iyo halkay ku sugan yihiin??

Guud ahaan qofka Siyaasiga ah, gaar ahaana Hoggaamiye Xisbi Qaran oo Mucaarid ah; waxaa laga rabaa inuu kala saaro dhabta iyo dhalanteedka, inuu noqdo xog-maal xaqiiqada u dhow, isla markaana uu qiyaasi karo saamaynta ay weedhiisu ku yeelan karto bulshada dhexdeeda. Hoggaamiyaha ama Siyaasiga uu garaadku hago ee ku gaashaaman Garashada feyow iyo Aqoonta Siyaasadda waa kii ay doodihiisa ka muuqdaan Xushmad iyo Qadarin uu u hayo Hoggaanka Dalka iyo masuuliyiinta kale ee Qaranka iyo kolba ciddii uu tartanku ka dhexeeyo ee ay siyaasadda isaga soo horjeedaan amaba ay dood-wadaag leeyihiin. Waa kii leh hal-adaygnimo iyo dhiirranaan uu fikirkiisa iyo aragtidiisa siyaasiga ah ku meel marsan karo isagoo kaashanaya hadafka iyo himilada uu Xisbigiisu leeyahay ee uu doonayo inuu kalsoonida shicibka ku hanto dalkana ku xukumo.

 

Siyaasiga ay caqliga iyo aqoontu hagaan waa kii u tudha danta ummadda ee mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siiya Dalka iyo Dadka, balse aan keliya ka fikirin dan shaqsi oo uu isagu leeyahay. Waa kii ka feyow caadifadda, qabyaaladda, nacaybka shakhsiyadeed, gobolaysiga, fidmo iyo xaala-abuurka, iwm. Siyaasiga ay caqliga iyo aqoontu hagaan waa kii garan kara ee miisaami kara muhimadda iyo miisaanka ay leedahay Xilka uu bulshada u hayo isla markaana qiyaasi kara saamaynta ay hadalladiisa iyo doodihiisu ku yeelan karaan bulshada uu rabo inuu hoggaamiyo ee uu Xisbigiisa codka uga doonayo.

 

Haddaba, weli iyadoon doorasho madaxtooyo iyo mid barlemaan midnaba la gaadhin, ayaa waxaad mooddaa in xisbiyada mucaaridka ahi ay quus iyo rajo-la’aan ka joogaan inay hantaan amaba ay helaan kalsoonida aqlabiyadda shacbiga oo ay ku aaminaan talada iyo hoggaanka dalka. Dhinaca kale, Wax-qabadka baaxadda leh ee Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo wuxuu khal-khal iyo jaah-wareer siyaasadeed ku riday Xisbiyada Mucaaridka ah, kuwaasoo run ahaantii ay ka muuqato kalsooni darro iyo rajo la’aan weyni.

 

Xad-gudubka iyo af-lagaadada shaqsiga ah, sida qallafsan ee anshaxa ka baxsan ee ay u dhaqmayaan qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah, nacaybka beelaysan iyo cadaawadda shakhsiga ku salaysan ee ka muuqata, dareen aafo-bulsho dhalin kara oo ay ummadda kula dhex wareegayaan; waxaabad mooddaa in cadawga Jam. Somaliland aanu u baahnayn inuu sir-doon iyo basaasiin u soo dirto Somaliland, waayo iyagaaba hawlahaa si fiican ugu qabta, oo si dadban iyo si toos ahba u gudbiya una fashiliya sir iyo xog kasta oo ay leeyihiin Qaranka iyo Ummadda Jam. Somaliland.

 

3. Gabagabo:

Guushu cadow badan ayay leedahay cid walibana kuma qanacdo, waana dhacdo dabiici ah inaan cid waliba ku farxi doonin horumarka bulsho iyo wax-qabadka ay Xukuumadi ku tallaabsato. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay la timid dedaal iyo wax-qabad muuqda oo aan la iska indho-tiri karin, qofkii in uun dareen-waddannimo lihina si cad ayuu u arki karaa. Sidaa darteed, ma aha wax lala yaabo in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay la kulanto carqalado iyo xag-xagasho xeeladaysan oo ay wadaan kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti, hammi iyo himilo siyaasadeed oo u gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee shacbiga.

 

Codbixiyeyaashu waxay isha ku hayaan hab-dhaqanka siyaasadeed ee Xisbiyada Mucaaridka ah, waana iyaga kuwa go’aanka ugu dambeeya ka gaadhi kara cidda ay talada iyo hoggaanka dalka u igmanayaan ee ay ku aaminayaan. Xisbiyada Mucaaridka ah halkii ay horumarka dalka iyagu horseed ka noqon lahaydeen, waxa muuqata in iyaga laftoodu ay horumarkaba carqalad ku yihiin. Codbixiyeyaashu waxay doonayaan in Hoggaamiyaha Berrito uu noqdo kii garan kara miisaanka uu leeyahay Xilka uu bulshada u hayo isla markaana qiyaasi kara saamaynta ay hadalladiisa iyo doodihiisu ku yeelan karaan bulshada uu rabo inuu hoggaamiyo ee uu Xisbigiisa codka uga doonayo. Codbixiyeyaashu waxay naawilayaan in Hoggaamiyaha Berrito uu noqdo dulqaataha iyo adeecaha Maanta.

 

(La soco Qaybta 2-aad ee: Hoggaanka Dalka Hanashadiisu Hab loo maray leedahay, Insha Allah)

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,

Jam.Somaliland: Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah

 

W/Q:  Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|