HORDHAC MAN CITY V BARCELONA – MAXAA KALA HEYSTA SKY BLUE & BLAUGRANA CAAWA? February 18th, 2014 Haleel Sports (HLN) Kulanka: Man City v Barcelona

image

Haleel Sports (SM) Kulanka: Man City v Barcelona

Garoonka: Etihad Stadium

Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika

Ka dib labo jeer ay ku hungoobeen, Manchester City ayaa ugu danbeyn ka soo baxday wareega group-yada Champions League xilli ciyaareedkan markii ugu horeysay abid.

Kooxda Manuel Pellegrini ayaa kaalinta labaad kaga soo baxday group-kii ay hogaamineysay Bayern Munich, taasoo keentay inay isku soo aadaan kooxda afarta jeer ku guuleysatay koobkaan ee Barcelona iyagoo ku dagaalamaya booska ka banaan wareega 8da. Waana kulan ay dad badan u arkaan kulanka ugu indhoqabadka fiica wareegaan 16ka.

Dhanka ciyaartoyda diyaarka ah Sergio Aguero oo ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac uu muddo ku maqnaa ayaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka caawa ee Etihad Stadium ka dhacaya ee lugta hore ee wareega 16ka isagoo aan taam buuxda u aheyn inuu ka qeyb qaato.

Laakiin City waxaa war wanaagsan u ah in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Fernandinho inuu ku soo laabtay kooxda ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac bowdada ah.

Si la mid ah Pellegrini waxa uu dib u helay Samir Nasri kaasoo shan isbuuc uu maqnaa ka dib soo laabtay kulankii ay Chelsea 2-0 kaga badiyeen FA Cup sabtidii isagoona shabaqa soo taabtay.

Waxaana la filayaa in xiddiga Faransiiska lagu soo bilaabo kulanka caawa haddii tababaraha reer Chile uu ku soo galo qaab ciyaareedka 4-5-1 halkii uu ku soo geli lahaa shaxda 4-4-2.

Haddii uu Pellegrini doorto shaxda 4-5-1, markaas Alvaro Negredo ayay u badan tahay inuu noqon dooo gooldhaliyaha afarka hore iyadoo ay caawinayaan Nasri iyo David Silva. Laakiin James Milner ayaa ka ganaaxan kulanka caawa.

H

 

Dhanka Barcelona waxaa war wanaagsan u ahaa in Neymar uu ka soo muuqday kulankii ay 6-0 kaga badiyeen Rayo Vallecano.