HORUMARKA MUUQDA EE KA HIR GALAY MAAMULKA DAWLAD DEGAAMEEDKA SOOMAALIDA ETHIOPIA.


HORUMARKA MUUQDA EE KA HIR GALAY MAAMULKA DDS.

Thursday, February 06, 2014 06:39:38
Hadaba waxaan maanta qalinka u qaatay oo aan jeclahay in aynu yara lafa gurno isla markaasna u hanbalyeyno horumarka balaadhan ee xawliga ku socda ee ka hana qaaday gobolka ismaamulka Somalida dalka Ethiopia ee loo soo gaabiyo DDS

Melbourne, Australia:  Meel kasta iyo goob kasta iyo wakhti kasta oo aad joogtaanba dhamaantiinba akhyaartiina sharafta leh waxaanu idin leenahay Subax, galab iyo dabcan habeen wanaagsan intaba… Waa hagaag, Ilaahay Amarkii… Waxaan hadaba aan maanta jeclahay in aynu maqaalkeenan ku yara lafa gurno, arintan aan kor ku soo xusay oo sidaad ka daalacan kartaan cinwaanka maqaalka.

Hadaba waxaan maanta qalinka u qaatay oo aan jeclahay in aynu yara lafa gurno isla markaasna u hanbalyeyno horumarka balaadhan ee xawliga ku socda

 


ee ka hana qaaday gobolka ismaamulka Somalida dalka Ethiopia ee loo soo gaabiyo DDS. Oo uu madaxweyne ka yahay mudane Abdi Mohamoud Omar. Hadaba xaqiiqatan marka taariikhda dib loo raaco sidii uu ahaan jiray gobolka iyo dabcan nolosha ay ku noolaayeen bulshada ku dhaqan gobolkaas iyo heerka uu maanta gobolku maraayo, runtii waa laba aad u kala dheer.

 

 

Waxa gobolka ka hir galay waxbarasho ilaa heer jaamacadeed ah oo maanta waxbaarsho looga soo doonto ilaa Somaliland, Djabouti, Puntland ilaa Somalia oo dhan. Waxa ka hana qaaday horumar weyn oo dhanka caafimaadka, waxbarashada, dhismayaasha guryaha iyo jidadka, biyo gelinta iyo dabcan waxyaalo kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi karin. waxa kale oo la hirgeliyey dhamaan agabkii dawladeed oo dhamaystiran (All public institutions)

 

Hadaba waxaan aad ugu hanbalyeynayaa uguna bogaadinayaa madaxweynaha dowlad degaanka Somalidsa dalka Ethiopia mudane Abdi Mohamoud Omar oo runtii iska lahaa fikradan ah sidii nabada looga shaqayn lahaa isla markaasna gobolka horumar balaadhan oo la taaban karo loo gaadhsiin lahaa. Waxaana maanta marag ma doon ah in gobolka ismaamulka soomaalida Ethiopia uu noqday amaba kaalinta hore kaga jiro maamul goboleedyada kale ee ka jirta dalweynaha Ethiopia.

Waxa kale oo runtii xusid mudan in madaxweyne Abdi Maxamuud Omar hir geliyey in lagu qabto markii ugu horeysay deegaanada ismaamulka Somalida Ethiopia xuskii balaadhnaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Jigjiga kaas oo lagu xusaayey maalinta qoomiyadaha dalka Ethiopia. Xuskaas oo uu madaxweyne Abdi Mohamoud Omar uu casuumad u fidiyey isla markaasna ka soo qayb galeen madax badan oo afka Somaliga ku hadasha oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dalka Jabouti mudane Ismaaciil Omar Geele, madaxweynaha jamhurriyada Somaliland mudane His Excellency,  Ahmed Mohamed Mohamoud “Siilaanyo” iyo madax kale oo ka soctay dawlada federalka Somalia oo uu ka mid ahaa madaxweynihii hore ee dawlad goboleedka Puntland mudane Abdiraxmaan Sheikh Mohamed Faroole, iyo gudoomiyaha maamulka Jubaland ee uu hogaaminaayo Sheikh Ahmed Mohamed Islaan (Ahmed Madoobe) iyo madax kale oo ka socota dawlada federalka Somalia. waxa kale oo isna xusid mudan in uu goobta ku sugnaa waa raysul wasaaraha dalka Ethiopia. Hailemariam Desalegn.

 

Ugu danbayntii ana yaanan is iloobine waxa ana farxad ii ahayd in aan ka qayb galay xaflad xuskaas lagu maamuusaayey oo laygu soo casuumay oo ka dhacday magaaladan Melbourne ee dalkan Australia. Halkaas oo aan fursad u helay in aan la kulmo safiirka cusub ee dalka Ethiopia ee dhawaan loo soo magacaabay dalkan Australia. mudane  Arega Hailu Teffera.

 

Waxaan ugu danbayntii aan leeyahay madaxweynaha dowlad degaanka Ethiopia mudane Abdi Mohamoud Omar hanbalyo, hanbalyo, halkaas ka sii wad horumarka iyo xidhiidh wanaagsan ee hada ka dhexeeya DDS Ethiopia iyo Jamhuuriyada Somaliland iyo dabcan dhamaanba umada kale ee Soomaaliyeed ee jecel wanaaga, nabada, wax wada qabsiga, iyo is taageerida dhan dhaqaale iyo dhan bulsho intaba.

 

Sharmake Yuusuf Nuuryey  (BALISHIRE)

Melbourne/Australia.

Email: balishire@live.com.au