“Ingiriisku Wuxuu U Arkaa Gooni Isu Taaga Somaliland In Uu Yahay Qadiyad Umadeed”Safiirka Somaliland U Fadhiya LONDON

(SM:Hargaysa) Safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska Ambassador Cali Aadan Cawaale ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Ingiriisku ay ka soo hor jeedo in mar dambe Somaliland lagu qasbin in ay la midawdo Soomaaliya, isla markaana ay dawladda Britain jeceshahay in laga wada hadlo xidhiidhka mustaqbalka ee ay yeelanayaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Cali Aadan Cawaale waxa kale oo uu sheegay in Britain ay gooni isku-taaga Somaliland u aragto mid ku salaysan qadiyad umadeed, iyaga oo rumaysan in dadka Somaliland ay yihiin dad tashaday oo wax qabsaday dalkoodana dhistay, Waxaanu tilmaamay in dawladda Britain ay fahamsan tahay taariikhda Somaliland kana warqabto in markii ay Somaliland madaxbanaanideeda ka qaadatay boqortooyadda Ingiriiska ee ay la midawday Soomaaliya in waxyaabo badani ay ka qaldameen dhibaatooyin fara badana loo gaystay shacabka reer Somaliland.

 

 

Danjire Cali, oo shalay magaaladda Hargaysa ugu waramay wargeyska DAWAN waxa kale oo uu sheegay in hawsha ictiraaf raadinta ee ay Somaliland mudadda dheer ka sugaysay beesha caalamka ay sabab u tahay deganaansho la’aanta ka jirta Soomaaliya, taasina ay keentay in beesha caalamku u soo jeediso Somaliland in ay wadahadal la furto Soomaaliya. Sidoo kale safiirka Somaliland ee dalka UK, ayaa uga digay masuuliyiinta dawladda federaalka Soomaaliya in aanay si khaldan u turjumin wadahadaladda u dhexeeya labadda dal, kuwaasi oo uu ku eedeeyay in ay wadahadaladda ku tilmaamaan dib-u-heshiisiin.

 

 

Waxaanu xusay in wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin kuwo lagu saleeyay sidii ay Somaliland aqoon sigeeda si dhakhso ah u heli lahayd. Cali Aadan Cawaale isaga oo arrimahaasi ka ahdlayayna waxa uu yidhi “Dawladda Ingiriisku waxay u aragtaa gooni isku taaga Somaliland in uu yahay qadiyad umadeed, waanay garawsan tahay gooni isku taaga Somaliland, waanay fahamsan yihiin taariikhda Somaliland, waanay ogyihiin in Somaliland ahayd dal madaxbanaan oo 26-kii June 1960-kii gobanimadiisa ka qaatay dawladda ingiriiska lana midawday Soomaaliyadii kale ee uu talyaanigu gumaysan jiray, waanay rumaysan tahay dawladda Ingiriisku in dhawr iyo sodonkii sanadood ee ay Soomaaliya jirtay in Somaliland wax badani ka qaloocdeen, dhibaatooyin badana loo gaystay shacbiga reer Somaliland, mida kale ee muhiimka ahi waxay tahay in ay dawladda Ingiriisku rumaysan tahay in dadka Somaliland ay yihiin dad tashaday oo wax qabsaday,dimuqraadiyad keenay, dalkoodiina dhistay, waxa kale oo ay dawladda Ingiriisku rumaysan tahay in aan mar danbe si xoog ah Somaliland loogu qasbin inay ula midawdo Soomaaliya, waanay ka soo hor jeedaa taasi, waxaanay jecel yihiin in laga wadahadlo xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya ee mustaqbalka”.

 

 

Mar uu ka hadlayay arrinta dhinaca aqoonsiga, waxa uu yidhi “Ma qabo in ay Somaliland ka gaabisay hawlaha ictiraaf raadinta, laakiin waxaan qabaa in ay sabab u tahay duruufaha weli ka jira dalkii aynu ka go’nay ee Soomaaliya oo aan deganayn beesha caalamkuna inagu riixayso in aynu wadahadalno, inaguna waxaynu dunida u sheegnay in ay umadda Somaliland tahay umad jirta oo aqoonsi u baahan, Waxaana aynu doonaynaa in aynu si wanaagsan u kala gurano walaaleheena Soomaaliya, oo aynu muddo dheer wax soo wada lahayn, waana taasi ta keentay in aynu Soomaaliya wadahadalno, markaa anigu waxaan qabaa xaqqa ay u leeyihiin umadda reer Somaliland in ay helaan aqoonsigooda in uu yahay mid lagu saleeyay wadahadaladan imika socda, waxaanan ka filaynaa in ay ka soo bixi doonaan wadahadaladaasi gooni isku taaga Somaliland oo la xalaaleeyo, waxaan se ka digaynaa in si khalad ah loo fahmo wadahadaladaasi, taasi oo ah sida ay u dhigaan qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda Soomaaliya oo yidhaahda waxaa la wadaa ama laga wadahadlayaa dib-u-heshiisiin, arrintuna ma aha taasi ee waa kala gurasho, iyada oo aynu doonayno in aynu noqono laba dal oo jaar ah, oo waxyaabo badana iska kaashada.”

 

 

Safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda London ee caasimadda dalka Britain, waxa kale oo uu sheegay in dawladda Britain uu kala hadlay digniintii dhinaca amniga ee ay dhawaan muwaadiniintooda ugaga digayeen in aanay u safrin Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu tilmaamay in ay kala hadleen arrintaasi dawladda Ingiriiska, isla markaana ay cabasho u gudbiyeen taasi oo ahayd in aanay Somaliland ka jirin khatarro amaan darro.

 

 “Waxyaabihii ugu danbeeyay ee aanu dawladda Ingriiska kala hadalnay waxay ahayd arrinta xagga digniinaha amaanka ee ay u soo diraan muwaadiniintooda ee ah in aanay Somaliland iyo Soomaaliya u socdaalin muwaadiniintoodu, arrintaasi oo aanu cabashooyin badan uga gudbinay dawladda Ingiriiska, anaga oo og in aan Somaliland xaq loogu lahayn in lagu sheego khataro amaan darro oo aan ka jirin, markasta oo ay wasaaradda arrimaha dibada Ingiriisku qoraal ka soo saarto Soomaaliya ayay inaga (Somaliland) ina raacisaa, hase ahaatee markii aanu isla qaadaa-dhignay, ee aanu u gudbinay ra’yiga ay Somaliland ka qabto sida uu qoraalkaasi u qoran yahay, dawladda ingiriisku way garawsatay, guddi ayaana loo saaray wadahadalo ayaana noo socda, guddidaasi oo aan anigu ka mid ahay, sidoo kalena ay ku jiraan saraakiil ka tirsan dawladda Ingiriiska wadahadaladaasina way noo socdaan. Waxaanu rejaynaynaa in ay wakhti dhaw soo gebagaboobi doonto hawshaasi oo wax laga bedeli doono arrintaasi warbixinaha dhinaca amaanka ee ay dawladda Ingiriisku ka soo saarto Somaliland.”

 

 

“Markasta oo ay Xamar wax ka dhacaan ama ay warbixino khuseeya nabadgeliyadda Soomaaliya ama ta gobolka way cusboonaysiiyaan, arrintaasi waa arrin ku mudan Somaliland oo aan runtii cadaalad ahayn, dawladda Ingiriiskuna ay ogtahay in aanay cadaalad ahayn, sidaa daraadeed ayaanay uga garaabeen markii aanu cabshadayada u gudbinay, gudidana loogu saaray, marka la eego warbixinta ka hadlaysa digiinaha waxyaabaha dhacay ee lagu sheegay meelna Somaliland kagama jiraan waxyaabo amaan darro ah oo ka dhacay, markaa waanu tusnay waanan isla qaadanay in wax laga bedelo arrintaasi” ayuu yidhi Ambassador Cali Aadan.

 

 

Sidoo kale safiirku waxa uu sheegay in mudaddii uu joogay xafiiska in ay dar-dargeliyeen hawlaha shaqo ee safaaradda, isla markaana dib-u-habayn iyo casriyayn uu ku sameeyay xafiiska, waxaanu yidhi “Markii aan anigu xilka la wareegay waxay ahayd laba sanno ka hor, mudaddii aan xilka hayayna waxyaabaha noo qabsoomay waxaan ka xusi karaa markii aan xilka la wareegay waxa aanu dhiganay istaraatijiyad ah in aanu xafiiska balaadhino oo aanu qalabayno, oo aanu xafiiska ka dhigno xafiis nidaamsan oo leh qaabkii ay xafiisyadu ku shaqaynayeen iyo qalabkii casriga ahaa ee ay ku shaqaynayeen xafiisyadu, waanay noo suurto gashay in aanu xafiiskii mid ka weyn u guurno, si casri ahna u qalabaynay, waxa kale oo aanu markii u horaysay xafiiska ku soo kordhinay Website la yidhaahdo Somaliland Mission.com, kaasi oo ay ku jiraan ama laga heli karro dhamaanba wixii macluumaad ah ee ku saabsan Somaliland, haddii ay taariikhda wadanka tahay, haddii ay dhaqalaha wadanka tahay, haddii ay tahay qorshaha horumarineed ee wadanku uu leeyahay iyo macluumaadyo kaleba, waxaa kale laga helayaa website-kaasi macluumaadka khuseeya safaaradda Somaliland ee London oo aanu ku ururinay qaabka Fiisaha loo dalbado, qaabka ay dadka ajaanibka ahi marka ay Somaliland xog iyo war sugan uga baahdaan ay uga heli karaan.”

 

Cali Aadan Cawaale waxa kale oo aanu wax ka waydiinay heerka uu gaadhsiisan yahay xidhiidhka ay safaarada Somaliland ee London la leedahay ama la samayso wadamada caalamka iyo sidoo kale wadashaqaynta ka dhaxaysa safaaradiisa iyo madaxda dawladda UK, waxa uu ku jawaabay “Xagga wada shaqaynta dunida dalal badan oo aduunka ah ayaanu xidhiidh wanaagsan la samaynay, waxaa jira ilaa dhawr iyo toban dal oo uu xidhiidh saaxiibtinimo oo diblomaasiyadeed oo aad u sareeyaa naga dhexeeyo, qaarkood waa wadamadii deeqaha waxbarasho ina siiyay ee aynu dhakhaatiirta u dirnay sanadkii ina dhaafay, kuwo kalena waanu ku rejo waynahay in ay ku daba jiraan oo ay ina caawiyaan, wadamo badan ayaa u soo joogsaday markii aanu isku daynay in aanu qadiyadeena fahamsiino. Sida aad ogtahay Somaliland weli beesha caalamka kama ay helin aqoonsi, dawladda Ingiriiskuna inama ay siin aqoonsiga safaaradaha dalalka kale mid la mid ah, laakiin xafiiska Somaliland ee London waa mid ay dawladda Britain ogtahay oo ay ka warhayso, wada shaqayn wanaagsan ayaana naga dhaxaysa wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska, wixii aanu uga baahanana way nagala shaqeeyaan, anaguna waanu la shaqaynaa wixii ay xageena uga baahdaan” ayuu yidhi Safiirku.

 

Danjire Cali Aadan mar uu ka hadlayay kaalinta ay ka qaadanayaan qurba-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriisku hawsha qaadhaan ururinta dhismaha wadadda isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, waxa uu yidhi “Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka UK waa dad aad iyo aad ugu heelan in ay dalkooda iyo dadkoodaba gacan siiyaan, hawsha wadadda Ceerigaaba-na si balaadhan ayay uga qaybqaateen, wadadda Ceerigaabana waa mid aad muhiim ugu ah dalkan Somaliland, jaaliyadda reer Somaliland ee dalka ingiriiskuna way fahamsan yihiin taasi, haddii aanu nahay jaaliyadda Somaliland ee dalka UK markii ay noo yimaadeen weftigii uu hogaaminayay wasiirka madaxtooyadu, goboladda dalkaasi oo dhan waanu ku wareegnay, gobol kastana guddi ayaa laga sameeyay, gudidaasi oo ku hawlan qaadhaan ururinta wadadda Ceerigaabo, lacaggo badan baana lagu yaboohay, lacagtaasi soo ururinteeda iyo soo xeraynteedana waxaa loo saaray gudiyo, gudiyadaasi ayaana gacanta ku haya, waxaanan rejaynayaa in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo dhameeyaan hawshaasi, dadka Somaliland u dhashay ee ku dhaqan UK-na aad iyo aad ayay ugu soo joogsadeen mashruucaasi wadadda Ceerigaabo”.

 Salaanmedia/Hargaysa

 

Xigasho:Dawan