Isgaadhsiinta Jubbooyinka oo weli hawada ka maqan, Kadib Al-Shabaab oo amar ku bixiyay in hawada laga saaro Isgaadhsiinta

109telphone

Waxaa maalintii saddexaad hawada ka maqan Isgaadhsiinta Gobalada Jubbooyinka intooda badan gaar ahaan meelaha ay maamulaan Ururka Al-Shabaab iyo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.

Al-Shabaab oo inta badan Gobalada Jubbooyinka gacanta ku haayo ayaa ka saaray Isgaarsiinta hawada, iyadoo aysan jirin ku hadalka Moobeelka, maadaama Shabaab ay bixiyeen amarka hawada looga saaray qadka Isgaarsiinta.

Magaalooyinka Bu’aale, Jilib, Kismaayo, Kamsuuma iyo deegaano kale oo Jubadda hoose iyo Jubadda Dhexe ka tirsan ayaa maalintii saddexaad qadka taleefoonka Moobeelka uu ka maqan yahay, sababo lagu sheegay kaliya amarka Shabaab kasoo baxay.

Sidoo kale meelaha Shabaab ay hawada ka saareen Isgaadhsiinta waxaa kamid ah Degmada Diinsoor oo shalay laga damiyay, ilaa hadana lama haayo sabab rasmi ah oo ku aadan ujeedka Shabaab Isgaarsiinta ay hawada uga saareen.

Qof ku sugan Magaalada Kismaayo oo qadka leenka ah Idaacada Kulmiye kula hadlay, wuxuu sheegay in hadal haynta ku aadan ka saaritaanka shirkada Isgaarsiinta Hormuud hawada ay tahay arimo la xiriira Adeega Internetka oo Shabaab ay dhawaan mamnuuceen iyo lacago la sheegay inay Shabaab ka rabaan Shirkada Hormuud.

Ilaa hada majirto saraakiil ka tirsan Shabaab oo si rasmi ah faah-faahin kaga bixiyay arintani, waxaana sidoo kale jirin wax war ah oo kasoo baxay masuuliyiinta shirkada Hormuud.

Shalay ayeey aheyd markii adeega EVC PLUS ee lacagaha la isugu xawilo ay Shabaab ka joojiyeen Degmada Buulomareer ee Gobalka Shabeelaha hoose taasi oo culeys ku noqotay dadka deegaanka.

Salaanmedia/Mogdisho