Isku-shaandhaynta Siilaanyo Maxaa Looga Reebaa Wasiirada Beesha Siiba Xirsi

Salaan wacan oo ku socta marka hore hawlwadeenada shabakadan iyo dhamaan shacabka Somaliland

 MAQAAL
Waxaa maalmahan suuqa siyaasada ku jirtay in uu Axmed Siilaanyo soo wado isku-shaandhayn cusub, afarta sano ee uu xilka hayey waxyaabaha laga dhaxlay waxaa ka mid ah isku-shaandhayn joogto ah iyo gudi magacaabid aan la ogayn meel ay cidhib iyo jaan dhigeen waana markii lixaad ama todobaad ee uu isbedel ku sameeyo shaqaalaha dowladiisa aan weli saldhigan waxa kaloo ay dadka siyaasada faaleeya sheegeen in isku-shaandhaynta isku dabo xiga ka turjumayso tayo la’aanta, maamul xumada, musuqmaasuqa, qaraabokiilka, iyo weliba isqabqabsiga dhaqanka u noqday madaxda dowladan min madaxweyne ilaa iyo agaasime kaladhkaa lays wadahaystaa wado shaqayn la’aan taas oo kalsoonidii shacabku ay ku qabeen isbedelka Kulmiye noqotay hal bacaad lagu lisay hadaan si kalena u dhigo aniga oo ka shidaal qaadanaya Cigaal Shidaad ” Siilaanyow ma waxaan ku moodayey, mise waxaad noqotay, mise waxaan loo noqon doonin”
 
Calaa kuli xaal isku-shaandhayntan la hadal hayo ma noqon doontaa mid soo yara celisa rajada shacabka daalan mise sidii kuwii ka horeeyey ayuu Axmed Siilaanyo ka boodayaa halka u baahan bedelka oo aan ka fogayn hadii farta loogu fiiqana waa wasiirka ummadu ka cabato hadh iyo habeen Xirsi Xaaji Xasan laakinse ma filayo in la taaban doono wasiirada beesha siiba Xirsi oo isagu aan xil qaranka u hayn balse digreeto shir beeleed ku jooga. Wasiirka kale ee isna aan la filayn in la bedelo waa wasiirka macdanta oo lacagihii saliida akoonkiisa ku shubtay waana sababta shaqoda looga eryey Maxamed Xaashi markuu is yidhi kashif. Duulista iyo hawada iyana waa wasaarad dhacan oo hore ay u qaybsadeen inamada uu Siilaanyo adeerka u yahay Cumaani iyo Maxmuud Xaashi. Wasiirka wasaarada ciyaaraha oo iska daa ciyaaraha gobolada in uu qabtee ciyaaryahankii gobolka Togdheer isku diray.
 
Teeda kale Axmed Siilaanyo waxba yaanuu sacabka u tumin golaha guurtida waayo isagaa ka dambeeyey rabshada iyo isku day inqilaabka wakiilada waxaa kuu cadaynaysa in uu isagu dalka qalalaasaha ka ridayo si uu mudo kordhis u samaysto si inta yar ee hadhay ee macdanta iyo dekeda dalka la xaraasho
Foolatayee maxay umuli
 
Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh