Jawaab wasiir UDUB ahaa Aadan (Dhoolayare): nin agoon ku xadey qalin kheyr kama macaashee by Abdi Mustafe

MAQAAL

Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo hore u ahaan jirey wasiirka cadaalada dowladii UDUB ayaa ku baaqey in mudo kordhin xukuumada Kulmiye loo sameeyo. Waxaan leeyey taariikhda aad UDUB ku lahayd baa nagaga kaa filan eed adoo wasiirkii cadaalada ah hadana hanti boob iyo xatooyo xoole dadweyne aad ku caan baxdey. Sidaas baad taariikhda Somaliland ku gashay oo tii aakhirana ku sugeysaa.
Heestii lixdanaadkii baa ahayd oo kugu qotonta: nin agoon ku xadey qalin:
Qaylada dad muumin ihi
Dhayal kuma qarsoontee
Nin agoon ku xaday qalin
Kheyr kama macaashee
Wakhti ay ku qaraxdaba
Qaaxo kama fogaadee.
Dhoolayarow Somaliland nin u hiiliya ayey u baahantey oo ka saara sow-mal haadka la geliyey adna cidi wax kaa weydiin meyso oo weli meel aad dhacdo kamaad quusan. Is qari baan ku odhan lahaa inta ay kugu qarxeyso.

Abdi_Mustafe123@yahoo.com