Kenya oo gacanta ku dhigtay saddex ruux oo Soomaali ah oo watay gaadhi Land Cruiser

Kenya

Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheera ee Gobalka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska dalka Kenya ay xidheen saddex ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo Booliiska uu ka shakiyay.

Saddexda ruux ee Soomaalida ayaa lagu xidhay deegaanka Koromei oo 10-KM u jira magaalada Mandheera, waxaana la sheegay in si qarsoodi ah doonayeen inay ku galaan dalkaasi Kenya maalintii shalay aheyd.

Noah Mwiyanda oo ah Taliyaha ciidanka Booliiska Mandheera, ayaa sheegay in saddexda ruux ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka Kenya, xill ay doonayeen inay gudaha ugalaan dalkaasi Kenya, kana tallaabeen dhanka Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

“Seddexdaan ruux ee Al-shabaab looga shakiyay waxay noo sheegeen ma aamineyno, waxaan aaminsanahay inay doonayaan inay weerar ka fulayaan Mandheera”Sidaasi ayuu yidhi taliyaha Booliska ee Mandhera.

Ragan saddexda ah ee Soomaalida ah ayaa la qabtay, xilli ay wateen gadhi noociisa uu yahay Land Cruiser oo bilaa taariko ah,waxaana lagu qabtay howlgal ciidamada ay sameeyeen.

Booliiska Magaalada Mandheere ayaa xabsiga dhigay ragaasi, waxaana iminka ku socoto su’aalo weydiin ku aadan halka ay kusii jeedeen iyo gaadhiga ay wateen oo bilaa taarikada ah halka ay ka keeneen.

Al-Shabaab ayaa dhowr mar weeraro iyo qaraxyo ka geystay Magaalada Mandheere ee Gobalka Waqooyi Bari dalka Kenya, waxaana xilliyada qaar xitaa ay ka geystaan afduubyo iyo dilal qorsheysan.

Salaanmedua/Nairobi